Somaliland Vs Tigrey

0
Tuesday 17th November 2020 14:33:06 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 423
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland Vs Tigrey

    Somaliland iyo Tigrey labadooduba waxay ku yaalaan dhinaca waqooyi ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Tigrey labadooduba waxay ku yaalaan dhinaca waqooyi ,  waxaanay wadaagaan Isu eegaanta Juqraafiyadeed oo labada dhulba waxaa ku badan dhulka buuralayda ah .

Dhinaca Taariikhda , Is badal kasta oo ka dhaca Itoobiya wuxuu kasoo bilowdaa dhinaca Tigrey , haday tahay Boqortooadii Xabasha oo ka curatay Axom , haday tahay iska caabintii Talyaanigga , haday tahay dagaalkii jabhadaha iyo haday tahay qaab-dhismeedka cusub ee fadaraalka Itoobiya .
Dhinaca Soomaalida , taariikhaha iyo isbadaladda oo dhami waxay ka curtaan dhinaca Somaliland , haday tahay boqortooyadii Adal ee fadhiyi jirtay Saylac iyo maamulkii Imaam Axmed gurey oo taliskiisu ahaa Herer iyo Saylac , haday tahay Daraawiish oo Burco ka bilaabantay , haday tahay axsaabtii siyaasadda ee gobonimodoonka iyo isbadal kasta oo taariikhi ah .


Dhinaca baaxadda dhulka , Tigrey waxay ka kooban tahay 84,722km , halka Somaliland ka tahay 176,120 km , sidaa darteed Somaliland ayaa wayn laba jibaar .

Dhinaca dadka Tigrey waa 5 malyuun iyo waxoogaa , Somaliland waa Shan malyuun iyo badh , waana laba dad oo isku tirro dhaw .
Hassa ahaatee , Tigrey 5 malyuun waxay ka yihiin Itoobiya 5% halka shanta malyuun iyo badhka Somaliland ka yihiin 45 % tiradda wadankii la isku odhan jirey Soomaaliya .

Dhinaca Juqraafiyadda , Tigrey dhinaca koonfur iyo galbeed waxaa ka xigga wadanka Itoobiya intiisa kale , waana dhul xidhan oo aan lahayn Bad , halka Somaliland jahadda Barri oo keliya ay Soomaaliya ka xigto , isla markaana ay Somaliland leedahay Bad dheer oo aad u balaadhan .
Dhinaca Istaraajiyadda Caasimadda Tigrey ee Maqale waxay u jirtaa xuduudka Itoobiya inteedda kale 170 km , halka Caasimadda Somaliand u jirto xuduudka Soomaaliya ku dhawaad kun km .

Si kastaba ahaatee , Somaliland waxay dhinac walba kaga Istaraatijsan tahay Tigrey , arrinta Saadka ee laggu cadaadinayo Tigrey dagaalkiisana , Somaliland laguma cadaadin karro si kasta oo ay Soomaaliya isugu dhacaan maxaa yeeley Somaliland waxy leedahay xeeb dharerkeedu yahay 850 km.




W/Q AXMED NUUR GURUNJE

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS