Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo Soo Bandhigay Kalluun Ay Soo Jillaabteen.

0
Saturday 21st November 2020 10:57:39 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo Soo Bandhigay Kalluun Ay Soo Jillaabteen.

    Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo Soo Bandhigay Kalluun Ay Soo Jillaabteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somaliland Oo Soo Bandhigay Kalluun Ay Soo Jillaabteen.




Berbera (Karin News): Ciidamadda ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa soo bandhigay Kalluun aad u fara badan oo ay Badda ka soo jilaabteen Kalluunkan oo cadadkiisa lagu qiyaasay 3 Tan, ayay soo jilaabteen ciidamadda ilaaladda xeebaha ee gobolka Saaxil Kaasoo ay shalay ku soo bandhigeen dekadda magaaladda Berbera.




Taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha ee gobolka Saaxil Haaruun Siciid Cali, oo arrintaasi faahfaahin ka bixiyay ayaa tilmaamay in ay hawshan jilaabashadda Kalluunka muddo hore bilaabeen Waxaanu sheegay in hawshaasi ay hindisieen kadib markii madaxweynaha Somaliland u iibiyay Doonni weyn.



Arrintaasi oo ay sameeyaan ciidamadu iyagoo gudanaya waajibaadkoodda shaqo, isla markaana aan kaga mashquulaynin hawshoodda ilaalinta Badda iyo xeebaha Somaliland. Waxaanu yidhi, "Wax soo saarka ciidanka ilaaladu xeebuhu imika muu bilaaban, wuxuu soo socday wakhti ku dhaw muddo dhawr bilood ah Wakhtigaaasi oo ahayd markii uu madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland noo iibiyay Doontani, aanu hadda Kalluunka ka gurayno.


Kadib markii madaxweynuhu Doonta noo iibiyay, oo aanu anagu na hindisnay Shabaag aanu ku shaqaysano, wax na kaga soo saarno Baddayada”.


Taliye Haaruun Siciid Cali, waxa uu sheegay in muddo hore ay bilaabeen sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen khayraadka Badda.


"Wakhtigii uu soo baxay xanuunkan dunidda aafeeyay ee Coronavirus, waxa uu taliyahayagu amar nagu siiyay, anagoo gudanayna waajibaadkayagii, ilaalinayna na Badda, in aanu wax soo saar samayno. In aanu anagoo ilaalinayna Badda, aanu hada na wax soo saar samayno.



Wakhtigaasi oo aanu soo saarnay Kalluun 2 Tan iyo dheeraad ah. Maanta (Khamiistii) waxaanu halkan ku haynaa Kalluun 3 Tan kor u dhaafaya, oo ay ka soo shaqeeyeen ciidanka ilaaladda xeebuhu, oo iyagu ay gacantoodda ku soo qabteen” ayuu yidhi taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha ee gobolka Saaxil Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi, ayaa ku bogaadiyay ciidamadda ilaaladda xeebaha ee saldhiga Berbera shaqada ay qabteen.


Waxaanu badhasaabku dadka shacabka ah ugu baaqay in ay ku dhiiradaan in iyaguna ay ka faa’iidaystaan khayraadka Badda. Waxaanu yidhi, "Mar haday ciidamadii sidaa u soo Kalluumaysanayaan, dadka shacabka ah waxaan ku dhiiri gelinayaa, in iyagu na sidaas oo kale ay khayraadkoodda uga faa’iidaystaan Aad iyo aad baan ugu mahad celinayaan ciidanka ilaaladda xeebaha, shaqadaa wanaagsan ee ay qabteen”.


Loading...
LATEST NEWS