Geeska afrika iyo guud ahaan dalalka Africa ma uga hadli karaan xaalada Ethiopia si aanay ogolayn xukuumada abbey ahmed ?

0
Saturday 21st November 2020 11:24:31 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Geeska afrika iyo guud ahaan dalalka Africa ma uga hadli karaan xaalada Ethiopia si aanay ogolayn xukuumada abbey ahmed ?

    Somalia, Djibouti, Somaliland,Eritrea, Kenya iyo inta badan wadamada Africa way ku khasbanyihiin in ay sida ay Ethiopia rabto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalia, Djibouti, Somaliland,Eritrea, Kenya iyo inta badan wadamada Africa way ku khasbanyihiin in ay sida ay Ethiopia rabto  uga hadlaan dagaalka tigreega. Sababtu ma aha inay Ethiopia ay ka awood iyo siyaasad badantahay ee ta ugu wayni waa maslaxadda wadamadooda oo ay ilaashanayaan.


Wadanka Somalia waa mid kala dhantaalan oo Somaliland gaar ayay uga madax banaan tahay waxayna baadi goob ugu jirtaa sidii ay aqoonsi u heli lahayd, Somalia waxa ay ilaashanaysaa midnimadeeda oo hadii ay xaalada Ethiopia uga hadasho si ka duwan sida maamulka abbey rabo waxa ay ka baqaysaa in ay fursad gobolka ah hesho Somaliland. Somalilandna sidoo kale waxa ay ilaashanaysaa saaxiib-tinimada iyo xidhiidhka ka dhexeeya Ethiopia oo mudo xumaa balse imika u muuqda mid soo wanaagsanaanaya, sidoo kale waxaa meesha ka baxaysa gacan togaalaynta bidix ee ay haysto oo ay ka ilaashanayso in Somalia la wareegto.



Djibouti xukunka Ismaaciil Cumar Geele ee mudada dheer soo jiray uma saamaxayo in uu xaalada Ethiopia uga hadlo si aanay raali ka ahayn xukuumada Abbey Axmed, waxa uu iska ilaalinayaa in xoogaga mucaaradka ah ee ku kacsan xukuumadiisa ay helaan gabood ay ugusoo gabadaan.
Eritrea saaxiibtinimada cusub iyo xidhiidhka kala dhexeeya xukuumada haatan ka dhisan Ethiopia oo u arko il uu kaga xidhmi karo aduunka isla markaana looga qaadi karo xayiraadaha saran awgeed uma saamaxayso inuu xaalada si dhex-dhexaad ah uga isaga waxaaba u dheer qoomiyadda tigreega oo mudo dheer xukunka Ethiopia soo haysay waxa uu arkaa inay tahay ta mugdiga gelisay mustaqbalka Eritrea.


Xukuumadaha kale ee ka dhisan dalalka Africa iyaguna sidaa si lamida waxa ay u ilaashanayaan maslaxadooda waayo inta badan waxaa ka taliya madax xukunka xoog ku haysta kuwaas oo ka baqaya in hadii ay taageeraan wadan kala go,aya ama xaalad cakirani ka jirto inay sida ugu haboon uga hadlaan. Wadamada Africa qaarkood waxaa hadheeyey murano xoogan oo u badan gooni goosad sidaa darteed wadana ma ogola in dhibkiisa laga hadlo.

Si kastoy ahaataba Africa waa mid afka ka xidhatay xaalada ka taagan Ethiopia mana jiraan wadamo ka badheedhi kara ka hadalka xaalada Ethiopia ee taagan marka laga yimaado masar iyo sodan oo xurguf siyaasadeed ka dhexayso taasi oo la xidhiidha wabiga niilka.

Xaaladu waa afkaa juuqda gabay ishuna waxay eegaysaa sida ay uga hadlaan waddamada Europe iyo America iyo qaramada midoobay.


Qalinkii Shaafici Maxamed Ibrahim

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS