|
|
Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Saraakiisha Ugu Sareysa Booliska Somaliland.
Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Saraakiisha Ugu Sareysa Booliska Somaliland.
Hargeysa(Karin News)- Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa ciidanka.
1- Gaashaanle Sare Maxamuud Ducaale ayaa laga qaaday xilkii Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidamada Booliska, iyadoo xilkaasi loo magacaabey Gaashaanle sare Ibraahim Cabdi Xaaji. 2- Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi ayaa laga baddalay xilkii taliyaha ciidanka danbi-baadhista ee C.I.D-da, iyadoo loo magacaabey hoggaanka tababarrada Booliska. Taliyaha C.I.D-da oo laga baddalay G/S Faysal Xiis weli cid looma magacaabin.
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |