[Akhriso:-] Madaxweyne Biixi Oo 100-kun Oo Dollar Qasnada Dawlada Uga Saaray Masaajid Laga Dhisaayo London & Hadal Haynta Ka Dhalatay.

0
Friday 27th November 2020 10:45:27 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 795
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Madaxweyne Biixi Oo 100-kun Oo Dollar Qasnada Dawlada Uga Saaray Masaajid Laga Dhisaayo London & Hadal Haynta Ka Dhalatay.

    Madaxweyne Biixi Oo 100-kun Oo Dollar Qasnada Dawlada Uga Saaray Masaajid Laga Dhisaayo London & Hadal Haynta Ka Dhalatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi Oo 100-kun Oo Dollar Qasnada Dawlada Uga Saaray Masaajid Laga Dhisaayo London & Hadal Haynta Ka Dhalatay.



Jimce, 27, November, 2020:Hargeysa-(Karin News)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa amar ku bixiyay in Khasnadda dawladda $100kun oo dollar looga saaro qaadhaan ururinta dhismaha Masjidka Al-Huda ee magaalada London.





Sidaas waxaa sheegay Wasiirka diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo caawa ka hadlayay xaflad Hargeysa ka dhacday oo masjidkaas lacag loogu uruurinaayay.







Dhankale Garyaqaan Jamaal Xuseen Madeela oo ka mid ah Garyaqaanada Caanka ah ee Somaliland ayaa qoraal uu arrintan kaga kaga hadlaayo oo Uu Karin News soo gaadhsiiyay ku yidhi " Boqolka kun ee ee dollar ee la yidhi masaajid ingiriiska laga dhisaayo ayaa madaxweynuhu amray in qasnada dawlada looga saaro oo lagu daro tabarucaad loo ururinaayay.Bal may masaajidka daami ama wadada cabaaye ku daraan. Waar ileen tan oo kale, Ku darsoo haday jirto waa arin si cad u muujinaysa in aanu isla xisaabtan iyo qorshe qaran oo miisaaniyadeed jirin.








































































Loading...
LATEST NEWS