Dilaagii Muqdisho, Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho

0
Sunday 29th November 2020 08:45:51 in English News by Madaxa Wararka
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilaagii Muqdisho, Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho

    Dilaagii Muqdisho, Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilaagii Muqdisho, Macallin Ilkacase Iyo Xubno Kale Oo Lagu Fuliyey Dil Toogasho





Muqdisho (Karin News) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay Maxamed Xaaji Axmed oo caan ku ahaa (Macallin Ilkacase) iyo laba xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab.





Ilkacase ayaa la rumeysan yahay inuu ahaa dilaagii ugu weynaa ee qarsanaa ee Muqdisho abid ay aragto, isaga oo shaqsiyaad badan oo isugu jira shacab iyo xubno dowladeed ku laayey dilal qorsheysan oo magaalada ka dhacay.



Maxamed Xaaji Axmed (Macalin Ilkacase), iyo laba kale oo Shabaab ah oo la shaqeyn jiray laguna kala magacaabo Axmed Maxamed Haashim iyo Saalim Siciid Maxamed, kuwaas oo lagu helay dilal kala duwan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, ayaa lagu toogtay fagaaraha dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Iskuul Bulusiya.



Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa 31-kii Bishii December ee sanadkii 2019 waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday Macalin Ilkacase iyo Xubno kale, kuwaas oo maxkamadu sheegtay inay dilal qorsheysan iyo weerar kal geysteen Magaalada Muqdisho.


LATEST NEWS