|
|
[War Deg Deg Ah:-] Murrashax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Lagu Xidhay Hargeysa.
Murrashax U Taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya Oo Maanta Lagu Xidhay Hargeysa.
Sabti, 29, November, 2020: Hargeysa(Karin News)- Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland ayaa waxaa maanta lagu xidhay Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Xildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa.
Intaas kadib ayaa waxaa la sheegay in Ciidanka amniga Magaalada Hargeysa ay gacanta ku dhigeen, isla markaana xabsiga laga dhigay, kadib markii uu kasoo degay diyaarad uu la socday oo ka soo degtay garoonka Illaa iyo hadda lama oga sababta uu u yimid Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow Magaalada Hargeysa.
Wixii warar ha ee ka soo kordha kala soco Karin News
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |