|
|
Ibraahin-Hawd Yuusuf oo Qormo ka qoray hadal haynta ka dhalatay Afar Xaasle Suufiyaan.
Sufyaan baa maalmahan warbaahinta haysta. Inta aan arkay shan arrimood oo aan shuqul isku lahayn buu isku mar kulansaday.
1. Wax uu warbaahinta soo tubay afar dumar ah oo isku da ah, isaga iyo iyaguna lee yihiin waan is qabnaa. Ninku muxuu dumarka warbaahinta ka la soo doonay, iyaga se maxay ka tahay markhaatigan wuu na wada qabaa oo isku qanacsan nahay? Yaa ku haysta? 2. Wax uu ka sheekeeyay in dunida oo dhami isaga ugaadhsanayso: Dawladda Maraykanka, Talyaaniga, BBC, dad Soomaali ah... Markaa muxuu yahay isagu si caalamku u ugaadhsado? 3. Wax uu sheegay in maskaxdiisu aad u tan weyn tahay, uuna ku guulaystay helista waxbarasho ay yar tahay in la helo. Wax uu kale oo sheegay in jaamacaddiisa la ga bixiyay lacag boqollaal kun oo Dollar ah, taas oo meel ay dunida ka jirto aynnaan arag. Maxay tahay arrintaas iyo ujeedkeedu? 4. Wax uu sheegay in uu soo daraaseeyay asalka, taariikhda iyo calaamadaha calanka iyo astaanta qaranka Soomaaliyeed. Wax uuna ku sheegay shar iyo sir qarsoon oo shisheeye inoo maleegay. Markaa maxay tahay danta shisheeyuhu ka lahaa, kol haaddii aynnaan arag wax saamayn ahna innagu yeelan? (Waxaa qumman qodobkan in si cilmi ah loo ga la doodo). 5. U gu dambayn waxaa la shaaciyay ninkani in uu laayay rag ay Xamar ka wada shaqayn jireen, isaguna wuu beeniyay. Markaa sow ma aha ciddii dacwad u qabtaa in ay garsoorka tagto inta isaga warbaahinta la ga eedaynayo? Haddii kale sow noqon mayso aarsi ku saabsan arrinta uu calanka ka sheegay iyo dumarka uu sida horweynka meesha soo tubay? Kkkkkkkkkkkkk Sufyaanow yaakhii anigu ku ma aqaan laakiin wallaahay qudhaadu rabshoolaad u eg tahay. FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |