Taariikhdu waa cibro (2)

0
Thursday 7th January 2021 09:34:33 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 181
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhdu waa cibro (2)

    Horraantii qarnigii 19-aad mar keliya dadka Jarmalka waxaa dhex roortay qoomiyadnimo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horraantii qarnigii 19-aad mar keliya dadka Jarmalka waxaa dhex roortay qoomiyadnimo.


Waa isku dal, waa isku dad, waana isku af, markaa maxaa ka horjooga in ay midoobaan, sida qoomiyadaha Ruushka iyo Faransiiska tusaale ahaan? Maxay dadyow kale weligood dusha u ga xukumaan? Naf hiifid iyo is canaanasho ayay galeen.


Halkaa dabcan waxaa ka soo baxday wayddiinta ah: Midnimadeenna maxaa horjooga? Jawaabtu wax ay noqotay Usteriya. Reer Usteriya qudhoodu waa dad Jarmal ah, laakiin dawladdii Rooma ee muqaddaska ahayd ee ay muddada dheer iyagu lahaayeen bulshooyinka kale ee Jarmalkana ku haysteen, sidoo kale boqortooyadii taa ka dambaysay ee Usteriya-Hangeri, iskudaygii midowga ee fashilmay kaas oo ay doonayeen in ay dadka Jarmalka ku sii haystaan, intaas oo arrimoodba wax ay abuureen nacayb loo qabo Usteriya. Taa waxaa dheer Usteriya oo aan wax dan ah ka lahayn qoomiyadnimada Jarmalka oo dadyow kale ku laban yihiin.



Waddaniyadda qoomiyadeed ee kacday iyo nacaybka ay dadka Jarmalku u qaadeen Usteriya wax ay sumcad iyo fursad siisay imaaraddii yarayd ee Prussiya, iyada ayaana loo arkay in ay gundhig u noqon karto midnimada Jarmalka ee la raadinayo. Dabcan Usteriya ma eegan doonto dhaqdhaqaaqa caynkaas ah ee iyada ka dhanka ah, sidaa darteed iyaduna wax ay abaabushay midnimo kale. Halkaa waxaa laba garab u ku qaybsamay bulshooyinkii Jarmalka. Imaaradihii Koonfurtu wax ay la safteen Usteriya, halka kuwii Waqooyigu la gaashaanbuuroobeen Prussiya. Dhawr iskuday midnimo ayay qolo waliba samaysay, waxaana ka mid ahaa Midnimadii Erfurt 1848 oo Prussiya samaysay. Colaad baa abuurantay, waxaana qarka loo joogsaday in la is galo, laakiin Prussiya oo ogayd in aad loo ga awood sarreeyo ayaa dib u guratay oo nabad qaadatay. Halkaa waxaa la gu galay heshiis loo yaqaan Dullayntii Olmütz (Humiliation of Olmütz) sannnadkii 1850. Usteriya wax ay Prussiya dul dhigtay shuruudo karaamo dilid ah oo ka la ahaa: 1) Prussiya in ay soo wareejiso gobolka Hesse, 2) In ay ka tanaasusho midnimadii ay Jarmalka u samaysay ee Erfurt Union, 3) In ay oggolaato midnimo ay Usteriya samayso (German Confederation) oo iyadu wada xukunto.

Laakiin bahdilaaddaasi dadka Jarmalka ma ay niyad jabin ee aad bay u cadho iyo dhiidhi galisay. Wax ay isku dhaarsadeen in ay dhistaan quwad ciidan oo Prussiya abaabusho, awooddaas u suurto galin karta mar dambe in aan la dullaysan.

Isla xilligaa waxaa u soo baxay laba nin oo taariikhda Jarmalka baalal dahab ah ka ga qormay. Ka hore waa William I oo amiir u ahaa boqorka Prussiya Friedrich Wilhelm IV oo ay walaalo ahaayeen. Waa qoyskii Hohenzollern. Ninka ka kalena waa Otto von Bismarck oo ahaa sarkaal diblomaasi ah oo noqon doona hoggaamiyaha siyaasadda iyo mishiinkii guulaha iyo midnimada Jarmalka. Ka hore wax uu ahaa nin shacbiga ku gacan kulul oo markii hore aad loo necbaa, sannado dhan buuna dalkaba iska ga tagay oo Ingiriiska ku noolaa. Wax uu se la yimid niyad bir ah oo midnimo-doon ah, gaar ahaan kolkii walaalkii dhintay ee uu isagu xilka la wareegay.

Bismarck isagana taariikhdu wax ay xaqiijisay in noloshiisa siyaasadeed lahayd laba marxaladood oo iska soo horjeeda. Waagii hore oo dhan wax uu ahaa qunyar-socod dhaqan-raac ah oo rumaysan in aan boqorka la ga dabo hadlin, oo biyo ku shuba dabkii xorriyadda ee berigaa Yurub ka belbelayay. Sidoo kale u ma uu jajabnayn doonista midnimada iyo in Usteriya dagaal la gu wajaho. Hayeeshee sabab aan la garanayn ayuu mar qudha is beddelay oo waxii uu diidi jiray oo dhan hormuud ka noqday. Waxaa muuqata in waaya'aragnimo badan oo uu helay aragtidiida beddeshay ka dib markii uu xilal muhiim ah soo maray. Prussiya wax uu u noqday xoghayaha arrimaha dadyowga Jarmalka, haddana wax uu noqday danjiraha Ruushka, haddana danjiraha Faransiiska, labadaa dal oo ahaa laba aad u muhiim ah.

Sannadkii 1858 waxaa asaasaqay oo maskaxda beelay boqorkii Prussiya ee Friedrich Wilhelm IV, awooddii oo dhanna waxaa la wareegay walaalkiisii aynnu soo xusnay ee amiirka ahaa William I. Boqorku saddex sano ka dib ayuu dhiman doonaa, ninkan baana dhaxli doona. Ninkan cusub baa haddaba hammigiisii iyo qammigiisii oo dhan isu gu geeyay dhisidda awood ciidan oo aan cidi loodin karin. Markaas buu Faransiiska u ga yeedhay Bismarck oo ka dhigtay raysalwasaare iyo wasiir debedeed. Sida aynnu sheegnay Bismarck wax uu rumaysnaa in aan go'aanka iyo amarka boqorka la ga dabo hadlin, waana sababta uu u soo dhowaystay. Sidaas baa jujuub la gu meelmariyay miisaaniyad weyn oo loo qoondeeyay dhisidda ciidanka, taas oo baarlamaanku diiddanaa.

Laakiin ciidan xooggan oo keliya la gu ma midayn karo dadyowga Jarmalka ee sida foosha xun u ka la daadsan, waayo waxaa hareeraha ka xiga saddex quwadood oo waaweyn oo ka la ah Ruush, Usteriya iyo Faransiis, kuwaas oo aan midkoodna oggolayn midnimada Jarmalka. Waa in la ciyaaraa xeelado siyaasaseed. Mudane Bismarck arrintan waxaa wax weyn u ga tartay aqoontii iyo waaya'aragnimadii uu ka soo helay danjiranimadii Ruushka iyo Faransiiska. Saddexdaa quwadood ka bilow Ruushka oo, waxaa ku kacsan jabhado gobannimo u dirir ah oo reer Poland ah. Siyaasad ahaan Jarmalka waa in ay jabhadahaa caawiyaan si Ruushku u daciifo, laakiin siyaasad taa ka duwan buu Bismarck qaatay. Waa in ay Ruushka u sheegaan in ay u gu yaraan Jarmalku ka nabadgalaan haddii ay doonayaan in aan jabhadaha la taageerin. Xeelad caqli badni ah oo ay ku guulaysteen bay ahayd oo Ruushku dhaqdhaqaaqa midnimo doonka ah ee Jarmalka wuu ka sii jeestay.
Usteriya ayay haddana u soo jeesteen reer Prussiya. Mid ka mid ah imaaradihii yaryaraa ee ay xukumaysay ayay ku kiciyeen oo la gashay dagaal faraha la ga ga gubtay, iyada oo isla markaa ciidanka Prussiya aad u dhismayo. U gu dambayn Usteriya oo dagaalka sokeeye dhaawacay ayay foodda dareen sannadkii 1866. Si weyn oo kamadambays ah bay ka ga libaysteen goob la yidhaahdo Dirirtii Sadowa.
Xusuuso Bahdilkii Olmütz ee sannadkii 1850 Usteriya u geysatay Prussiya. Imika ayay haddaba tahay iyaguna in ay ka aarsadaan kol haddii ay u jabeen, waana in ay shuruudo dullayn ah dul dhigaan, sidaas oo uu rabay boqor William. Laakiin maya, Bismarck wax uu mar kale keenay diblomaasiyad cajiib ah. Wax ay uu yidhi, ka aarsan maynno, dhul ka goosan maynno, ganaax saari maynno, oo bahdili maynno ee waa aynnu la heshiinaynnaa. Haddii aynnu bahdilno colaad bay inoo haynayaan ilaa ay innaga aarsadaan, laakiin innaga danteennu waa midnimada Jarmalka, waana in aynnu oggolaysiinnaa oo keliya taa in ay faraha noo ga qaadaan. Sidii bay noqotay oo waxaa la saxiixay Heshiiskii Prag oo dhacay 1866. Halkaa Usteriya wax ay ku baabbi'isay midnimadii maqaarsaarka ahayd ee ay dadka Jarmalka ku haysatay, taas oo waddada u furaysa Jarmalku in ay midoobi karaan. Isla markiiba waxaa hirgalay Midowga Jarmalka Waqooyi oo ay isu gu tageen 28 imaaradood.
Faransiis baa hadhay oo ah awoodda kowaad ee dunida. Waxaa xukuma nin aad u kibir badan oo la yidhaahdo Napoleon III. Kol haddii Usteriya la jabiyay heshiisna dhacay, Ruushna wacad la la galay, Faransiiska dhiillo ayaa ku furantay. Waa dalka u gu daran ee aan arki karin dadka Jarmalka oo midooba oo xoog yeesha sababo badan dartood. Boqor William ma uu doonayn in ay Faransiiska isku dhacaan, laakiin ninkii cajabta lahaa ee Bismarck taladu si kale ayay u gu muuqatay. Caqabadda keliya ee maanta midnimada Jarmalka hor taallaa waa Faransiiska, weligoodna ma oggolaan doonaan, sidaa darteed waa in aynnu dagaal ku ka la calaf qaadnaa, ayuu yidhi. Dabadeed sannadkii 1870 ayay Jarmalku bilaabeen daandaansi diblomaasiyadeed oo Faransiiska ka xanaajiyay. Wax ay shaaciyeen war been ah oo sheegaya in safiirkii Farabsiiska ee Prussiya joogay la karaamo dilay. Dabadeed Faransiisku wax uu iclaamiyay dagaal, isaga oo aad u gu kalsoon in uu qoladaa yar oo dhowaan soo baxday ku durdurin doono. Laakiin maxaa dhacay?
Ciidankii laxaadka lahaa ee Faransiisku si yaab iyo fajiciso leh ayuu raac waliba u jabay. Bil iyo badh keliya markii dagaalku socday sannadkii 1870 goobta caanka noqotay ee loo yaqaan Dirirtii Sedan Jarmalku wax ay ku qabteen 82 000 oo askari iyo Qaysarkii Faransiiska Napoleon III. Wax uu ahaa dagaal aan noociisa weli la arag. Waxaa xigtay in caasimaddii Baariis la qabsaday bilo go'doomin ah ka dib.
Haddaba sidii dhaqanka dagaalka Yurub ahaa Faransiiska waa in la bahdilaa. Saddex shardi oo dhimasho ah baa la gu xidhay in ay fuliyaan haddii ay rabaan in gumaysiga la ga dul qaado oo dalkooda loo ga baxo: 1) In ay bixiyaan khasaarihii dagaalka oo ahayd lacag aad u badan, shacabka ayaana iska soo qaadhaamay oo waa la bixiyay, 2) In Jarmalka la gu wareejiyo laba gobol oo soohdinta ku yaal oo la ka oa yidhaahdo Aldace iyo Lorraine, waayo ayay yidhaahdeen, dad yar oo Jarmal ah baa idin ku la nool, meel wal oo qof Jarmal ahi joogana annaga ayaa leh, waana la ga yeelay, 3) In Jarmalka la gu soo wareejiyo magaalada iyaduna istiraatijiga ah lana yidhaahdo Belfort.
Shardigan u dambeeya Faransiisku aad bay u ga gaws adaygeen, waayo waa albaab furan oo Jarmalku kolka ay doonaanba dalkooda ka soo weerari karaan. Laakiin diidmadaa ma ay mahadin. Bahdilkii baa la gu sii giijiyay oo ciidankii gumaysiga ahaa baa badhtamaha Baariis ku gaaddo ka ciyaaray, ilaa ay wax walba oggolaadeen oo si wacan jilbaha dhulka u gu dhufteen.
Jarmalku 18 Jeenaweri 1871 wax ay ku dhawaaqeen midnimada qaranka Jarmalka. Laakiin xaggee bay ka ga dhawaaqeen ma Baarliin? Maya. Bahdil bay ahayd ee, wax ay ka ga dhawaaqeen oo dabbaadeggooda ku qabsadeen Baariis, qasrigii Faransiiska la ga xukumi jiray ee Versailles.
Bahdilkaasi wax uu dhali doonaa bahdil iyo aarsi u dhigma oo Faransiisku heleen Dagaalkii I ee Dunida 1914-18. Aarsigaa iyo bahdilkaas oo isaguna markiisa sii dhali doona Dagaalkii II iyo soo bixiddii Nazi ga Hitler.
Intii waxii ka dambeeyay waa aynnu is la naqaan, oo maanta Jarmalku waa qaranka u gu hodansan ee u gu horumarsan ee u gu dawladnimo wanaagsan ee u gu midnimo iyo waddaniyad adag.
Maanta marka aad Jarmalka eegto waa qasab in aad xusuusanayso ummadii u qaybsanayd 40 imaaradood ee shisheeyuhu wada xukumayay, qoyskii hanka weynaa ee reer Hohenzollern gaar ahaan boqor William I, hoggaamiyihii birta ahaa Otto von Bismarck, Goobtii Sadowa sannadkii 1866 ee guulaha ibo furtay, iyo Goobtii Sedan 1870 ee Faransiiska la gu jabiyay.
Sawirka hoose waa Otto von Bismarck oo la sheekaysanaya Qaysarkii Faransiiska goortii uu dagaalka ku qabtay.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS