Ummadihii muslimay maxay kuwo u caraboobeen kuwana u caraboobi waayeen?

0
Saturday 9th January 2021 09:47:28 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 103
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ummadihii muslimay maxay kuwo u caraboobeen kuwana u caraboobi waayeen?

    Su'aashaa aad baa la isu wayddiiyaa, waxaana tusaalaha u gu weyn la ga dhigtaa Masar iyo Eeraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Su'aashaa aad baa la isu wayddiiyaa, waxaana tusaalaha u gu weyn la ga dhigtaa Masar iyo Eeraan.


Soomaalidu wax ay ka mid tahay bulshooyinka Carabta deriska la ah, is la markaa goor hore muslimay, ee haddana aan caraboobin. Taasi iska ma ay dhicin ee sababo keenay baa jira.

Horta waa in la eegaa dhawr arrimood: 1) Af Carbeedku cilmi ahaan luqadahee buu ka mid yahay? 2) Muslinka caraboobay iyo kuwa kale maxay ku ka la duwan yihiin dhaqan ahaan iyo juqraafi ahaanba? 3) Ma jirtaa siyaasad dawladeed oo meelaha qaar Carabida ku faafisay meelo kalena aan ku faafin?


U gu horrayn waxaa la og yahay Af Carbeedka awoodda riixaysay in ay ahayd Imbaradooriyaddii Carbeed ee dhakhsaha u faaftay ee dadyowga badan xukuntay iyo Quraaanka gaar ahaan iyo diinta guud ahaan oo Carabi ah.

Dhanka kale, Af Carbeedku wax uu ka mid yahay kuwa la isku yidhaahdo Afro-asiatic. Taa macnaheedu wax uu yahay, isaga iyo afafka ay xigtada yihiin si fudud bay isu dheehaan oo isu barabixin karaan. Tusaale ahaan dhammaan dadyowgii Bariga Dhexe ku dhaqnaa ee Carabta la bahda ahaa degdeg bay u caraboobeen kolkii Islaamku qabsaday: Baabili, Aramaa'i, Suryaani, Qibdi (Masar) ikk. Laakiin afafka Faarisiga iyo Turkigu waa bah kale oo la yidhaahdo Indo-europian, dadka ku hadlana waa ay ku adkayd in ay si fudud u caraboobaan.

Waxaa kale oo jirta dhulalka Carabidu ku faaftay in ay ahaayeen dhulal furan iyo banan si fudud loo galay, tusaale ahaan Ciraaq iyo Masar, halka Eeraan iyo Turkigu u badan yihiin buuraley ay adag tahay in mowjado dad ahi galaan. Taa waxaa loo daliishadaa in xeebaha Eeraan iyo dhulka hoose ee Ciraaq soo xigaa caraboobeen.

Dhanka dadyowga, Ciraaq, Shaam iyo Masar markii Carabtu qabsatay ma ay lahayn dawlado qoomiyadeed oo ay ku faanaan ee waxaa gumaysan jiray ummado kale, Giriig, Rooman iyo Faaris. Tusaale ahaan Masar iyo Shaam markii duullaanka Carabtu qabsaday ma ay ka la jeclayn gumaysigii hore iyo kan cusub, waayo awalba waxaa dul yaallay dhaqan, af iyo xukun shisheeye. Maya ee reer Masar waaba soo dhoweeyeen Carabta Muslinka ah.
Taa beddelkeeda reer Faaris wax ay ahaayeen qoom leh ilbaxnimo facweyn oo markaa weli noolayd, afkooduna wax uu ahaa af ilbax ah oo culuun aad u badani ku qoran tahay. Markaa kolkii ay muslimeen in ay caraboobaan iska daa ee afkooda ayaaba noqday af cilmi la ga barto, culimo badanina wax ku qorto, aqoonyahannadii wax qori jiray ee reer Faarisna waaba ka tiro badan yihiin kuwa Carabta. Xitaa waxaa la dhihi karaa mad'habta Shiicada ee Eeraantu markii dambe wada qaateen waa farsamo ay qoomiyaddooda ka ga soocayaan ta Carabta.

Waxaas oo dhan oo jira arrinta u gu muhiimsan ee Carabnimada faafisay, ee tusaale ahaan ka la duwday Masar iyo Eeraan, waa barakac iyo barakicin xoog leh oo ku dhacday dadkii Carabta ee asal ahaan ku koobnaa gayiga la yidhaahdo Jasiiradda Carabta. Isla duullankii kowaad ee Masar la gu galay ee uu hoggaaminayay Camar bin Caas waxaa dabo guuray qabiilooyin dhan oo Carbeed oo ka dhaqaaqay Xijaas, Yaman iyo Shaam intaba. Dadkaasi kolkii ay Masar degeen wax ay yeesheen awoodda dawladda iyo hantida u gu badan oo ay dadkii dhaladka ahaa ka ga sarreeyeen.
Dhanka siyaasadda, la ga soo bilaabo dawladdii Cumar bin Khaddaab waxaa si qorshaysan loo barakiciyay qabiilooyin dhan oo Carbeed oo Masar la gu beeray. Sida ku qoran taariikhda al-Maqriizi
"البيان والإعراب عما بمصر من الأعراب" - المقريزي
"Shaam waxaa ku dhaqnaa qabiilka Balaa oo aad u weynaa, lafo aad u tiro badanna ka koobnaa. Dabadeed maalin baa nin iyaga ahi ku muusannaabay 'Tolla'ay reer Qadaacow!' isaga oo dawladda wax ka tirsanaya. Dabadeed Cumar ninkii halkaa u joogay buu warqad u diray uu lee yahay qabiilkaa saddex meelood oo meel Masar u barakici". Dawladdii Umawiyada iyaguna siyaasad caynkaas ah bay sameeyeen oo si aan qolo Masar u gu badan oo awood u yeelan qabiilooyin ay meelo ka la duwan ka rareen bay dajiyeen. Cabbaasidii iyo Faadimiyiintii iyaguna tabtaas oo kale ayay yeeleen. Dhanka kalena qabiilooyin badan baa nolol ahaan iskood u haajiray.

Qabiilooyinkaa gobol wal oo Carbeed ka yimid Masar waa ay ku waddaniyoobeen oo isku milmeen, haybtoodii horena waa ay lumiyeen. Taasi u gu horrayn dawladaha ayay dan u ahayd oo aan marnaba doonayn jiritaanka awood qabiil oo isku xidhan.

Dawladdii Cabbaasidu beri ay joojisay in ragga Carabtu ciidamada ka mid noqdaan, Carabtii Masar ku dhaqnayd busaarad xun baa ku dhacday, dabadeed dantu wax ay badday in ay dhulka ka la galaan oo beeraley noqdaan miyiga iyo tuulooyinkana ku faafaan. Taasi qayb weyn bay ka noqotay fiditaanka Carabida iyo barabixinta afkii Masar.
Qabiilooyinkaa badan ee Masar degay baa markii dambe qunyar u gu sii fiday boqortooyadii Nuuba iyo Soodaanta Waqooyi labadaba, laakiin xilli aad u dambeeyay bay taasi ahayd.
Taa beddelkeeda, dhulka Eeraan Carabtu ciidamo ayay ku qabsatay ee ma jirin bulsho weyn oo u guurtay, sababaha ay taasi u dhici waydayna waa tii aynnu sheegnay.
Innaga Soomaali ahaan sababaha Carabayntu u suuroobi wayday waa iyada oo aan barakacyo waaweyn oo kuwa Masar la mid ahi ina soo galin iyo iyada oo aan dawladnimo la innagu qabsan, labadaa oo la gu sii xoojin karo bulshada badankeeda oo ahayd xoolo dhaqato reer guuraa ah oo aan la gu milmi karin.
Buugga sawirkiisu hoos ka muuqdo ka akhri Carabayntii Masar, Nuuba iyo Soodaan, fasalka 14-aad.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS