|
|
Waxa Qoray Prof-Abdi Ali Jama
Markii xornimada laga qaatay gumaysigii caddaa waxay tababareen
 madaxdii kala wareegi lahayd xukunka; ma taqaanaa tabobarka ay siiyeen; waxay siiyeen tababar ku saabsan sida loo xukumo mustacmarad (colonial adminstration) maxaa yeelay iyaga waxa qorshe u ahaa in ay bilaabaan waxa loo yaqaan Gumaysiga Cusub (neoclonism), nimankan madaxda laga dhigayayna waxay ugu talogaleen in ay noqdaan wakiilo gumaysigu leeyahay. Innaga waxa ka mid ahaa raggii qaatay M/weyne Cigaal iyo raggii la qarniga ahaa!
Dhammaan wadamada Afrika iyo Carabta tabtaas bay ahayd; illaa immika qaabka la inoo maamulo ma aha sidii ummad xor ah; waxa ina maamula wakiiladii gumaysiga cusub iyo ardyadoodii maxaa yeelay siyaasiyiinta maanta jooga waxay tababarkii ka sii qaateen oo ay ka qalin qorteen kuwii ka horreeyay; illaa maantana farasmo kale ma hayaan; ma taqaan qodobka ugu horreeya sida loo maamulo mustacmarad; waxa la yidhaa Qaybi oo xukun (divide and rule), waa xeerka xoorkiisa ay dhammayn la'yihiin gumaysiga iyo wakiiladiisu!!!
Cabdo; Gumaysiga cusub. FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |