|
|
Twitter-ka iyo Taraab
Dagaal aan waxba la isu hambayn ayaa dhexmaray Taraab iyo Twitter-ka,
waxa ay ka xannibeen degelkii uu gaarka u lahaa, markaas ayuu qoraal uu ku sheegayo, isaga iyo 75kii malyuun ee u codeeyeyba in la cabbudhinayo uu kusoo qoray bogga madaxweyne-nimada, kaana waa laga handaraabay.
Wuxuu mar saddexaad qoraal kasoo diray TeamTrump ardaagooda, kaana waxa laga saarray hawada. Mid ololaha u qaabilsanaa, ayaa ugu deeqay cinwaankisii, judhiiba kiina wa la tuuray. Tageerayaashisii ayaa u yaacay 'Parler' oo ah APP u dhigma Twitter-ka, halkaana adeero guugel ayaa khalkhal ku abuuray. Tiro haldoor ah oo taabacsanaa Taraab ayaa iyagana halkooda lagu cabbudhiyey!
Dunidu waa ay ilmaroganaysaa, hayeeshee dhulkan ay ku noolyihiin Soomaalidu ee aan lahayn dugsi iyo kulliyad lagu lafaguro cilmiga taariikhdu, waa uu dansan yahay - Allow nin aan waxba ogayn ha cadaabin. FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |