Daarodow, eedda ah Sufyaan baa dad ku laayay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991, aan wax yar idinka idhaahdo.

0
Sunday 10th January 2021 11:25:14 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daarodow, eedda ah Sufyaan baa dad ku laayay dagaalkii sokeeye sannadkii 1991, aan wax yar idinka idhaahdo.

    Wax aad ilaashataan oo halyey idiin ah janan Maxamed Siciid Moorgan oo dilay u gu yaraan 45 kun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax aad ilaashataan oo halyey idiin ah janan Maxamed Siciid Moorgan oo dilay u gu yaraan 45 kun



oo Isaaq ah intii aan Waqooyi la ga soo baacsan Juun 1988, iyo in ka badan 20 kun oo Hawiye ah oo uu ku laayay gobollada dhexe iyo Banaadir 1989-1990. Waxaa idinka dhashay oo aad ilaa uu dhintay ilaashan jirteen janan Maxamed Xaashi Gaanni oo magaca dawladda ku dilay u gu yaraan 4500 oo Isaaq ah, gaboodfalyo badan oo qabyaaladeedna geystay. Waxaa idinka dhashay oo magaca dawladda Isaaq iyo Hawiye labadaba ku gumaaday janan Cabdicasiis Cali Barre, oo dadka daa ee xitaa geela layn jiray.


Waxaa idinka dhashay oo aad jeclaydeen oo difaaci jirteen janan Aadan Gabiyow oo tobannaan kun ka gumaaday Isaaq iyo Hawiye iyo Raxanweyn. Waxaa idinka dhashay Axmed Cumar Jees oo hoggaaminayay burburintii Hargeysa iyo gumaadkii dadkeeda 1988-89. Waxaa idinka dhashay Dhagabacayr iyo kun doofaar oo iyaga oo awooddii qaranka adeegsanaya oo Daaroodnimo u dagaallamaya qabiilooyinka Soomaaliyeed xasuuqay.
Dagaalkii sokeeye ee Muqdisho la isku halaagsamay, haddii wiil berigaa 16 jir ahaa rag laayay, dembi gaar ah ma leh, ayaan qabaa anigu.


Sufyaan eed kasta oo kale waa loo qabsan karaa, laakiin xaasha in loo qabsan karo in uu 1991 isaga oo 16 jir ah dagaalkii sokeeye rag laayay. Haddaa muxuu layn lahaa?!




FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS