Diinta Islaamka ma u Qalanaa!

0
Tuesday 12th January 2021 09:34:03 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 89
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diinta Islaamka ma u Qalanaa!

    Ma u Qalannaa diinta Islaamka!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma u Qalannaa diinta Islaamka!


Inta garashadaydu gaadhsiisan tahay diinta Islaamka waxa u qalma dad caqligooda intiisa badan isicmaalaya, mar labaadkana cilmiga oo ah caqli la ururiyay fahansan isticmaali karana, dadka sidaas ah ayaa u qalma in ay diinta Islaamka qaataan. وَقَالُوا لَوْ كُنَّا نَسْمَعُ أَوْ نَعْقِلُ مَا كُنَّا فِي أَصْحَابِ السَّعِيرِ Dadka dunida ku nool ee maanta ay anfici lahayd diinta Islaamku waa dadka ku nool waddamada aynu nidhaa way horumareen sida Japan iyo reer galbeedka; dadkaas waxa ka maqan diinta Islaamka oo kaliya; waxan saadaalinayaa in xanuunkan Covid 19 ku uu sabab u noqdo in ay qaataan diinta Islaamka; waa saadaal uun, Ilaahaybaase og.


Intii aan garaadsaday maanta ayaynu ugu diin badanahay oo ugu cibaado badanahay, haddana waad ogtahay in xataa aynu diidnay in qabiilkii aynu caqli ku darno, bal in caqliga fuud la inagaga shubay dawladna waynu rabnaa qabiilkiina diiday in aad wax ku darto! dee qabiil bilaa caqli ah miyuu shaqaynayaa, oo bilaa cilmi ah; xaggee baynu ka waalanahay! waddamada kale ee Muslinka ah ee dunida saddexaadna waa wada sidaa, sidaa darteed wali innagu maynaan gaadhin heerkii diinta Islaamku ina anfaci lahayd dunida korkeeda; waa suuragal in aakhiro naarta lagaga badbaado ashahaadda malaha! taasiba waa nasiib wayn haddii la helo! laakiin shaki kuma jiro in aynu ceeb ku nahay diinta Islaamka dunida korkeeda!


Cabdo; ma u qalannaa diinta Islaamka!!

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

Loading...
LATEST NEWS