|
|
Waxaan hayaa aragti , aragti dhaanta xabsi
Dadka ugu badan ee Xabsiyadda ku jiraa waa dhalinyaro ,
dhalinyaraduna waa xoogii wadanka , wadankuna kama dharagsana xooga dhalinyaradiisa , sidaas darteed waxaan hayaa oo aan halkan uga gudbinayaa cid kasta oo ay qusayso ama ka faaidaysanaysa aragti dalka iyo dhalinyaradaba u dhaanta xabsi waana sidan .
1- In la sameeyo waaxda shaqaalaha xabsiyadda ee wasaaradda cadaaladda iiyo ciidanka asluubta . 2- In dhalinyaradda ku jirta xabsiyadda loo sameeyo waraaqaha aqoonsiga wadanka ( taysaro ) . 3- In dhalinyaradaas la siiyo tababar ku saabsan farsamada gacanta sida , wastaadada , nijaarada , makaanikadda , dabka , dawaarka, Biyaha iwm . 4- Marka ay dhalintu dhamaystaan tababarka in Wasaaradda hawlaha guud iyo Kambaniyadda lagga hawl-geliyo iyadoo subaxdii dhalinta lagga soo qaadayo xabsiyadda casarkiina laggu rawixinayo inta xadhigu ka . dhamaanayo . 5- In dhalintaas loo sameeyo Account baananka looga furro oo ay lacagahooda ku uruursadaan kuna kaydsadaan mudada ay shaqaynayaan iyagoo hadana xidhan . Maxaa faaido ku jirra .
1- In dhalinyaradu wax ku barato jeelasha . 2- In ay shaqaystaan dabeecad shaqana yeeshaan . 3- In lacagi u uruurto oo ay kaydsadaan . 4- In dhalintu marka ay xabsiyadda kasoo baxaan noqdaan kuwo isku filaada xirfad ahaan iyo dhaqaale ahaanab si fududna ay ay suuuqa ula qabsadaan maadaama ay awalba shaqayn jireen . ' 5- In dhalinta , wadanka iyo qoysaskuba aanay ku dhib mudan xabsigga , dhalintuna noqoto mid asluubteedu ku hagaagto xabsigga . Ugu dambayn waxaan diyaar u ahay in aan hadba wixii tallo aan hello aan halkan u mariyo madaxda wadanka maadaama anaan haysanin wado kale oo aan talooyinka ugu gudbiyo . FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |