|
|
Family Biography
Ninka midigta xigga ee taswiirtan ka muuqdaa waa adeerkay Shabcaan Nuur Maxamed
oo ka mid ahaa Ciidamadii wadanka Qatar ee ka degey Wadanka Kuwait 1990 dagaalkii Gacanka , gaar ahaan Guutaddii ugu horaysay ee caga-dhigatay markii ciidmadii xulifaddu weerareen Wadanka Kuwait , goobta sawirkanina waa Duleedka Magaaladda Kuwayt oo ciidmadan lagga dajiyey .
Sidoo kale 100 Sanadood ee dambeeyey ma jirro Dagaal ka dhacay Aduunka oo aan qoyskaygu ka qayb gelin tusaale , Dagaalkii 1aad ee Aduunka awoowgay Maxamed Sugule wuxuu ka mid ahaa ciidamadii Ingiriisa ee loo yaqaanay Camel Corps ( Kaamil koodh) waxaanu ka qayb galay dagaalkii daraawiishta .
Dagaalkii 2aad ee Aduunka waxaa ka qayb galay isna awoowgay Nuur Maxamed Sugule oo ka mid ahaa ciidamadii Ingiriiska , gaara ahaan Ciidankii Somaliland Scout , Firs Battalion , Campany A , waxaanu ka ka dagaal galay Wadamadda Saylon oo imika loo yaqaano Srilanka iyo Burma oo hadeer loo yaqaano Miyanmar .
Sidoo kale waxaa ka qayb galay Walaalkii Cismaan Maxamed Sugule oo isna ka mid ahaa ciidamadii Talyaanigga ee qabsaday Somaliland 1941 . Sidoo kale dagaalkii 1977 , Waxaa ka qayb galay Awoowgay Ismaaciil Aw Yuusuf Sugule oo ku dhawaacmay Jigjiga iyo Gorey labadoodaba , kaasoo dhaawaca horre oo sahlanaa ka dib mar kale si xun lugta uguga dhaawacmay magaaladda gorey ee galbeedka Jigjiga , sidoo kale adeerkay Cabdi Nuur Maxamed oo ka mid ahaa Ciidamadii Xooga dalka Soomaaliyeed ee ka qayb galay weerarkii Diredhabe , Kadar Cadey iyo Jidka tareenka Jabuuti iyo Ethopia , markii Ciidamadii Soomaalidu jabeena wuxuu ka mid ahaa ciidamadii u galay wadanka Jabuuti oo maalmahaas xornimo qaatay . Sidoo kale dagaaladdii Snm iyo M S Barre waxaa ka qayb galay badiba adeeraday , oo ku dhaawacmay Hargaysa , Cadaadley iyo Xadhig-dhig . Sidoo kale , shaqadda ugu badan ee hadeer qoyskaygu hayaa weli waa Askarinimo , waxaana ciidamadda kala duwaan ee Aduunka ku jira ugu yaraan 20 nin oo ka tirsan Faamligga .
Inta ugu badan sababta qoysku askarta ugu batay na waxaaa ka mid ahaa , dhererka , adkaysiga iyo calool adayg taasoo keentay in 100 kii sanadood ee ugu dambeeyey xaafaddu wada askar noqotay.
Ahmed Nour Guruje FIIRO GAAR AH:Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |