"Aamusnaanteennu Ma Aha Inaan Ka Cabsaneyno Suudaan" Dawlada Itoobiya Oo Si Adag U Hanjabtay.

0
Wednesday 13th January 2021 08:20:33 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Aamusnaanteennu Ma Aha Inaan Ka Cabsaneyno Suudaan" Dawlada Itoobiya Oo Si Adag U Hanjabtay.

    "Aamusnaanteennu Ma Aha Inaan Ka Cabsaneyno Suudaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Aamusnaanteennu Ma Aha Inaan Ka Cabsaneyno Suudaan"


Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in milatariga Suudaan ay kusoo qulqulayaan xadka Itoobiya ay la wadaagto dalkaas, xilli xiisadda labada dowladood u dhaxeysa ay sii xoogeysaneyso.




Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Addis Ababa ayaa maanta oo Talaado ah sheegay in dowladdiisu ay si dagganaan ah u wajaheyso muranka kala dhaxeeya Suudaan, "laakiin aamusnaantooda aysan ahayn in loo fasirto inay cabsanayaan." "Milatariga Suudaan waxay ka faa'iideysanayaan in ciidamada dowladda Itoobiya ay ku mashquulsan yihiin xasaradaha gobolka Tigray, waxayna kusoo xad gudbeen dhulkeenna," ayuu yidhi afhayeenka.



Dhanka kale, wuxuu sheegay in waddankiisu uu doonayo in la wada xaajoogo, islamarkaana uusan damacsaneyn buunbuuninta khilaafka xadka ee labada dal balse arrinta ay ka dhigayaan mid heer gobol looga wadahadlo.


Ciidamada Sudan


Xiriirka Khartuum iyo Addis Ababa ayaa sii xumaaday dhowrkii isbuuc ee lasoo dhaafay, waxaana soo baxay warar sheegaya in ciidamada labada dal ay ku dagaallameen xadka, xilli ay milatariga Itoobiya howlgal ka fulinayeen gobolka Tigray ee xuduudda la wadaaga Suudaan.


Iskudhaca labada waddan ee hadda taagan wuxuu ku saabsan yahay dhulka loo yaqaanno Al-Fashaqa, halkaas oo ah meesha uu gobolka Amhara ee waqooyiga-galbeed uga yaalla Itoobiya uu xadka kala wadaago gobolka Gedaref ee dalka Suudaan.


Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km. Xiisaddan ayaa soo cusboonaatay kaddib markii ay guul darreysteen wadaxaajoodyadii ku saabsanaa Biyo xireenka ay Itoobiya ka sameyneyso Wabiga Nile.


Loading...
LATEST NEWS