|
|
Xukuumadda Somaliland Oo Xoojinaysa Isla-Xisaabtanka iyo Go'aamo kasoo Baxay [ Gudaha Ka Akhriso ]
Xukuumadda Somaliland Oo Xoojinaysa Isla-Xisaabtanka iyo Go'aamo kasoo Baxay.
Hargeysa-(Karin News)-Kulan ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Bangiga Dhexe ayaa laga soo saaray go’aamo lagu sugayo is la markaana lagu xakamaynayo xisaabaha uga furan Hay’addaha Dawladda Bangiyada Gaarka loo leeyahay ee Dalka.
Munaasibadan oo ay kasoo qaybgaleen Wasiir-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Md. Muuse Ibraahim Yuusuf (Selef), Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Md. Cali Ibraahim Baqdaadi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda. Axmed Daa’uud Geedi, masuuliyiinta laamaha Bangiga Dhexe iyo masuuliyiinta bangiyada gaarka ah, ayey ujeedadiisu ahayd sidii loo midayn lahaa dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Hay’addaha Dawladda, is la markaasna loo heli lahaa Miisaaniyadd dhammaystiran oo ay ku jiraan lacagaha deeqaha ah. Talaabadan ayaa ah mid lagu xaqiijinayo mabaadi’da Daah-Furnaanta iyo Isla-Xisaabtanka.
Kulanka oo qaatay saacado badan waxa laga soo saaray qodobadan 4-ta ah: 1.Hay’ada Dawladdeed ee xisaab (Account) ka furaynaysa bangi gaar loo leeyahay waa inay haysato ogolaanshaha Xisaabiyaha Guud ee Dawladda oo ka wakiil ah Guud ahaan Dawladda iyo Wasaaradda Maaliyadda JSL.
![]()
Loading...
|
Copyright © 2010 - 2021 Karin News All Rights Reserved. - Site Designed & Developed by Ileys Inc |