[Top News:-] Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirka Maalgashiga Dawlada Ingiriiska 2021-ka Ee Dalalka Afrika.

0
Thursday 21st January 2021 09:19:17 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Top News:-] Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirka Maalgashiga Dawlada Ingiriiska 2021-ka Ee Dalalka Afrika.

    Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirka Maalgashiga Dawlada Ingiriiska 2021-ka Ee Dalalka Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shirka Maalgashiga Dawlada Ingiriiska 2021-ka Ee Dalalka Afrika.




Safiirka Somaliland ee Kenya, Amb. Bashe Cawil Xaaji Cumar ayaa habka maqal iyo muuqalka ah kaga qayb galay shirka maalgashiga sanadka 2021-ka ee dawlada Ingiriiska iyo waddamada qaarada Afrika oo ay soo agaasintay waaxda ganacsiga caalamiga ah ee dalka Ingiriiska.





Shirkan ayaa diirada lagu saaray sidii la iskugu xidhi lahaa ganacsiyada dalka Ingiriiska iyo waddamada qaarada Afrika iyadoo rajo laga qabo in mustaqbalka la abuuro fursado maalgashi oo kaabayaasha dhaqaalaha, beeraha iyo tikniyoolajiyadda ah.




Safiirka Somaliland ee Kenya, Amb. Bashe Cawil Xaaji Cumar ayaa intuu socday shirku sheegay inay ka Somaliland ahaan jecel yihiin in ganacsatada dawlada Ingiriisku ay ku dhiiradaan isticmaalka dekedda Berbera oo door weyn ka ciyaari karta horumarka dhaqan dhaqaale ee Geeska Afrika.



Shirka waxa si rasmi ah maanta u furay Raysalwasaaraha Ingiriiska, Boris Johnson sidoo kale waxa ka qayb galay shirkan Wasiiro waddamo badan matalaayey iyo ganacsatada dalka Ingiriiska ee xiiseynaayey maalgashiga waddamada Africa.



Waxa xusid mudan in Somaliland shirkan ku matalaayey Safiirkeeda Kenya Amb. Bashe Cawil Cumar ayaa ku soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland kuwaaso ay ganacsatada Ingiriisku maalgashan karaan.



May be an image of 1 person
































Loading...
LATEST NEWS