Burcad-Badeeda Galbeedka Afrika Oo Afduubtay Markab Turkiga Laga Leeyahay.

0
Tuesday 26th January 2021 07:10:05 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 111
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Burcad-Badeeda Galbeedka Afrika Oo Afduubtay Markab Turkiga Laga Leeyahay.

    Burcad-Badeeda Galbeedka Afrika Oo Afduubtay Markab Turkiga Laga Leeyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burcad-Badeeda Galbeedka Afrika Oo Afduubtay Markab Turkiga Laga Leeyahay.




Dowlada Turkiga ayaa sheegtay inay ciidamadeeda u direyso galbeedka Afrika si ay usoo furtaan Markab dalkaasi laga leeyahay oo Sabtidii shalay ay xeebta dalka Guinea ka qafaasheen Burcad-badeed Markabkan oo lagu magacaabo M/V Mozart ayaa ka baxay dekada magaalada Lagos-Nigeria kuna siijeeday Cape Town, Koonfur Afrika.





Waxaa la sheegay inay burcad badeeda gacanta ku dhigeen kadib markii dagaal gacanta ah dhexmaray naakhuudayaasha markabkaasi saarnaa iyo burcadda oo la xaqiijiyey inay dileen mid kamid ah shaqaalaha Markabka, 15 kalena nolol ku afduubteen.



Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ninka la dilay lagu magacaabo Farman Ismayilovuna dhashay dalka Azerbaijan, dhamaan shaqaalaha kale ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga, Burcad-badeeda ugu khatarta badan xiligan ayaa ka hawlgala Galbeedka Afrika inta u dhaxeysa xeebaha dalalka Nigeria, Guinea, Togo, Benin iyo Cameroon.













Loading...
LATEST NEWS