HANBALYADA 1 DA MAY, MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA.

0
Saturday 1st May 2021 10:00:13 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HANBALYADA 1 DA MAY, MAALINTA SHAQAALAHA ADDUUNKA.

    Anniga oo ku hadlaaya Magaca Guddiga Agaasinka Baanka ( Board of Directors),

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anniga oo ku hadlaaya Magaca Guddiga Agaasinka Baanka ( Board of Directors),


iyo kan Maamulka Baanka, Waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa Shaqaalaha Baanka, iyo dhammaan shaqaale weynaha qaranka Somaliland, xuska maalinta Shaqaalaha Adduunka 1 da May kuna beegan berrito sabtida, oo ah fasax guud.
Waxaan inoo rajeynayaa in Alle xanuunka saf-marka inaga badbaadiyo, iyo in Alle barwaaqda iyo raxmadda curatay inooga dhigo mid aan nusqaan iyo dhib midna lahayn.


Shaqaale ogow fursadda aad haysato ee shaqo inayna in badani haysan, ogow xilka kaa saaran u adeega bulshada iyo macaamiisha, ogow in aad ilaaliso xeerka shaqaalaha ood u fuliso si dhammeystiran. Kolka aynu taas ilaalino, waxa meesha ka baxaaya musuq, eex iyo ku tagrifal awood aan sharci ahayn. Ogow xeerku inuu yahay kan xuquuqdaada ilaaliya, isla markaas ah kan lagugula xisaabtami doono.

Waxaynu iyana aynu galeynaa tobankii habeen ee barakaysnaa ee Ramadaan ugu dambeeyey. Waa habeeno cibaad iyo la xisaabtan nafta ah. Ku caweeya cibaado iyo kheyr, toobad keen iyo duco. Alle tubta toosan heynagu hanuuniyo, dambigeena ha dhaafo, hana u naxariisto maytideena.
Hanbalyo iyo maalin wacan 1 day May 2021

Ahmed Hassan Arwo
Director General
Bank of Somaliland
(Somaliland Central Bank)

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS