Maalintii Dulaqada

0
Tuesday 4th May 2021 11:24:43 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 168
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maalintii Dulaqada

    17 Rabadaan dagaalkii Beder haddii uu astaan u noqday badbaadada muslinkii tirada yaraa iyo barbilowgii guulahooda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

17 Rabadaan dagaalkii Beder haddii uu astaan u noqday badbaadada muslinkii tirada yaraa iyo barbilowgii guulahooda


, 20 Rabadaan oo shalay ku beegnayd oo ah maalintii muslinku Maka qabsadeen wax ay astaan u ahayd taabbagalka Islaamka.
Maka la gu ma dagaallamin ee mushrikiintu waa ay is dhiibeen. Iyaga oo ahaa dadkii Nebiga iyo muslinka aadka u dhibay in ka badan labaatan sano, kolkii iyaga oo jabay inta la isu soo shiriyay Rasuulku wayddiiyay: Maxaad i ga filanaysaan maanta in aan idinku samayn doono? Wax ay ku baryootameen: Wanaag, waxaad tahay walaal gob ah iyo nin aannu adeer u nahay oo gob ah. Dabadeed Rasuulku wax uu u celiyay: Wax aan idin lee yahay hadalkii walaalkay Yuusuf yidhi


"قَالَ لا تَثْرِيبَ عَلَيْكُمُ الْيَوْمَ يَغْفِرُ اللَّهُ لَكُمْ وَهُوَ أَرْحَمُ الرَّاحِمِينَ" - يوسف:92، اذهبوا فأنتم الطلقاء.
"Eed yeelan maysaan maanta, Ilaahay baana idiin dembi dhaafi, isaga ayaana cid u gu naxariis iyo arxan badan", is kana taga xor baad tihiine.
Mushrikiinta Qureesheed ee halkaa la gu cafiyay guud ahaantoodba wax ay ahaayeen cadawgii arxanka darraa ee Rasuulka iyo Islaamka, ka sokowna waxaa jiray shakhsiyaad qabay godobo gaar ah oo foolxun, sida Abii Sufyaan oo ahaa ugaaska mushrikiinta iyo marwadiisii Hind oo ahayd goobtii Uxud naagtii qalatay Nebiga adeerkii Xamse, ee ciil dartii beerkiisa cuntay xubnihiisana kuulo ka dhigatay.


Qoladii reer Banii Umaya oo ahayd cidda u gu muhiimsan ee cafiskaa ka faa'iidaysatay, oo ugaas Abii Sufyaan ka dhashay, dood taariikheed baa ka taagan sidoodaba in ay muslimeen iyo in ay munaafaqeeyeen. Dooddaa waxaa keenay in iyagu sal u noqdeen sannado badan ka dib fitnadii muslinka ka dhex qaraxday, halaaggii la isu geystay, sidii loo qaybsamay iyo weliba dawladdii Islaamka markii ay ku adkaadeen ee boqortooyada qabyaaladeed u rogeen. Dhawr xaqiiqo oo waaweyn baa loo cuskanayaa in reerkaasi sabab iyo asal u ahaa masiibadii midnimada muslinka ku dhacday ilaa maantana la socota:

1. Dadkani iyaga oo weli ciil qaba oo la ga adkaaday baa shuruud la'aan la gu sii daayay, oo weliba si loo dajiyo Rasuulku qaniimadii u gu horraysay iyaga siiyay (gaar ahaan Abii Sufyaan iyo wiilashiisa).
2. Cismaan bin Cafaan oo iyaga ka dhashay kolkii uu talada hayay isaga oo duq gaboobay ahaa dawlddiisii si aad u foolxun bay reer Banii Umaya u gu danaysteen, xilalkii oo dhan iyo maalkii umddana waa ay wada qaateen, taas baana u sabab ahayd in Cismaan la dilo oo fitno qaraxdo.
3. Muslinku reerkaa wax ay ku caayi jireen iyaguna cuqdad xun ka qaadeen in maalintii Maka la qabsaday iyaga oo aan dagaallamin oo ay is dhiibeen lana layn kari lahaa la is ka sii daayay, taas oo dhaqanka Carabta gunnimo ku ahayd, waxaana naanays loo ga dhigay "Dulaqaa" oo la mid ah wax la xoreeyay ama la is ka sii daayay, halkii ay iyagu isu arkayeen saadada Qureesheed Islaamka ka hor. Waa tii Rasuulku ku yidhi اذهبوا فأنتم الطلقاء
4. Cuqdadda ku xusan qodobka 3-aad ayaa reer Banii Umaya markii dambe u horseedday in ay diinta dhinac isaga duwaan oo u halgamaan ugaasnimadii Islaamku ka inqilaabay, waana halka ay ka timid in ay la diriraan Cali oo ahaa khaliifkii afraad is la markaa ka dhashay qoyskii ay godobta ka tirsanayeen ee reer Banii Haashim.

Sidaas bay taariikhda maaddiga ahi sax ku tahay, waxaa se la gu daboolay taariikh la diineeyay taas oo la gu odhanayo "saxaabadii waa ay wada suubbanaayeen". Haddii ay wada suubbanaayeen maxay isu gu halaagsameen Ahlul Beydkii Rasuulkana u halaageen?

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS