Jooji Dooda Iyo Dhaliisha, Adigu Isa Sax!

0
Thursday 6th May 2021 10:00:17 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jooji Dooda Iyo Dhaliisha, Adigu Isa Sax!

    Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso,


 ku dedaal inaad fikrada la falanqaynayo ka hadasho, haku fikirin dad ama ashkhaas gaar ah inaad ka doodo. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, doodaasi jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn.


Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya kolka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxa ay taagan tahay marka aad dad ceebahooda iyo boogahood aad faraha la gasho.

Waayo qofka ku nuux nuuxsada ka doodista goldaloolada dadka badbaadistiiisu aad ayay u yar tahay, arimihiisuna way kala daataan; xasadkiisuna wuu bataa maxaa yeelay qof kasta waxa uu leeyahay ceebo aan isaga u muuqan.

Sidaa darteed, arintaa ku baraarug oo adigu isku mashquul ka hor inta aanad qof kale kale ka dul onkodin. Ka dood fikrad oo haka doodin ashkhaas.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS