Deegaan Dadka Degan Ay Ka Badan Yihiin Kuwa Martida!

0
Thursday 6th May 2021 10:05:45 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deegaan Dadka Degan Ay Ka Badan Yihiin Kuwa Martida!

    Jasiiradda Fola ee dalka Ingiriiska ayaa noqotay jasiiradda Fardaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jasiiradda Fola ee dalka Ingiriiska ayaa noqotay jasiiradda Fardaha.


 Jasiiraddan waxa degan 30 qof keliya waxaana ay leedahay muuqaal qurxoon iyo haro biyood fara badan. Haddii aad ka eegto meel kasta oo jasiiradda Fola ka mid ah waxaad arki doontaa fardo aad u badan iyo caw si qurux badan u baxay iyo weliba harooyinka biyaha leh ee ay fardaha yaryari ku nasanayaan.


 

Jasiirada oo loo bixiyay jasiiradda jannada waxa soo booqda dad aad u fara badan oo dalxiis ah, waxaana ay noqotay magaalo dadka degan mar kasta ay ka badan yihiin kuwa safarka dalxiiska ku yimi. Fola waxay ka mid tahay jasiiradaha Shetland oo ah goobaha ay ku dhashaan nooca Fardaha quruxda badani kuwaasi oo leh timo badan oo dhalaalaya iyo lugo gaagaaban.

Jasiiraddan waxa booqda dadka aad u xiisaynaya cilmi baadhista iyagoo muuqaalkeeda quruxda dabiiciga ah iyo Faradaha noocaas ah baadhis ku sameeya. (Akhbar)



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS