Warbixinta Ka Digtay Cunista Faytamiinka Badan!

0
Thursday 6th May 2021 10:10:29 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixinta Ka Digtay Cunista Faytamiinka Badan!

    Marka ay yaraadaan faytamiinada qofku uga baahan yahay jidhka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka ay yaraadaan faytamiinada qofku uga baahan yahay jidhka


waxa dhacda in xanuuno badan oo kala duwani ay ku dhacaan, kuwaasi oo haddii aan qofka wax laga qaban ku keen geeri iyo dhimasho waana arrin caadi ah oo la yaqaano.

Laakiin akhriste sidaasi si la mid ah ayuu qofku marka ay ku bataan Faytamiinadu iyadana uu halis kale ugu jiraa geeri. Waxaana muhiim ah in faytamiinka jidhku aanu ka badan heerka caadiga ee baahidiisa daboolaya. Nin lagu magacabo Basil Brown ayaa isagu dhintay markii uu qaatay cabitaan sharaab ah oo ka koobnaa Kaarootka muddo 10 maalmood ah.



Brown ayaa mudadaasi kooban cabay qiyaas dhan 38 litir oo sharaabka laga miiray geedka Carrotka. Waxaana ay taasi sabab u noqotay inuu Beerkiisa uu helo Faytamino qiyaas ahaan ka xaddi badan baahidiisa.

Warbixintan oo lagu daabacay boggaMedical News Todayayaa cadaysay in iyadoo xad dhaafta Faytamiinada Birta jidhku ay keenayso macaan qofka ku dhaca.

Waxa kale oo ay keenaan Beerka iyo wadnaha oo shaqeyn waaya iyo waxyeelo ka gaadha qofka uurjiifta. Vitamin C oo xadkiisa dhaafana wuxu keena dhagxan keliyaha. Qiyaasta Faytiim "A” oo iyana jidhka ku baddata waxay keenta lafaha oo dhaawacama iyo weliba dhimasho degdeg ah.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS