Dhallinyaro Bisha May Maxay iddin tahay?

0
Thursday 6th May 2021 15:08:33 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyaro Bisha May Maxay iddin tahay?

    Shacbi kasta waxa uu leeyahay ymaalmo,bilo iyo sannado mudnaanta uu siiyaa ay ka duwan tahay kuwo kale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacbi kasta waxa uu leeyahay ymaalmo,bilo iyo sannado mudnaanta uu siiyaa ay ka duwan tahay kuwo kale.


Bisha May inay tahay bishii xornimadii naga luntay –iyadoo awoowyaasheen iyo aabeyaasheen qaar ka mid ihi rumeysnaayeen riyadii lagu hungoobay ee soomaali weyn; waa arrin aan wada og nahay.


Riyadaas oo ka dhalatay jawigii midnimada afrika ee Qarnigii 20aad Afrika ku baahsanaa, inay tahay waa xaqiiq aad ogtihiin.Mana aha waxa suaasheydu ay abaarayso.


Waxa afrika hamigii ka jiray, ee no hoday ku koobayaa odhaah halgamaa oo afrikaan ihi ku dhawaaqay sanadahaa.Waxayna ahayd "kun sano oo nolosha ayga ku nooshahay waxa ka mudan kana wanaagsan maalin aad sida libaaxa u noolaanto.”

Dhalinyaro bisha May waa bisha aan so ceshanay xornimadenii marin habaawday, iyo israacii na badey silic, dullinimo, darxumo iyo gumaad aan naga soo marin gumeysigii ingiriiska ee 80ka sanadood dalkan u talinaayey.

Nolol xumada iyo faquuqii wuxu bilowday maalintii israaca oo ay ahyd 1dii july 1960kii (1 JULY 1960) markii 3da xil eee dalka ugu sareeya laga qadiyay Somaliland , lana siiyay xilal ku kooban 4 wasiir oo kaliya.

Dhalinyaro 1961kii saraakiishii dhalinyarada ahayd isku daygoodii, in xornimada dalka lala soo noqdo umay suuro galin .Waxaana sabab u ahaa shacbiga badankiisa oo aaminsanaa xilligaa riyadii Soomaali Weyn.

Haddaan u soo noqdo mawduuca faalada , ma ogtihiin dhalinyaro in 1960kii dalku lahaa 2 Dugsi Sare oo kala ah Camuud iyo Sheekh oo kaliya. 30 sanadood oo israaca ka dib markii 1991kii lala soo noqday xornimada waxa Somaliland ka jiray labadaa dugsi oo kaliya.

Uma malaynayo inay idinka qarsoon tahay in maanta degmooyinka iyo goboladu ay dugsiya Sare wada leeyihin iyo jaamacado –inkastoo tirade jaamacadaha ku yaala ay kala badan yihiin.

Dhalinyaro aqoonto ah aasaaska nolosha iyo agabka iyo hubka dal u adeegsado, si uu horumar u gaadho. Ma ogtihiin in dagaalka ugu weyn ee Somaliland lagu hayay sanadihii israaca , uu ahaa in da’yarta aqoonta lagala dagaalamo dhalinyaradeena.

­­—Ardayda dugsiyada dhexe ka baxa may wada qaadan karayn Sheekh iyo Camuud. Waxaanay taasi ku kalifi jirtay in ay dhallinyaradu Waxbarasho Dugsi Sare u doontaan Muqdisho. Ardaydaa badankeedu waxa ay ku kalifi jiray in ay dulsaar ku noqdaan eheladooda halkaa ku nool . Waxayse u badnaayeen kuwa aan fursadaa heli Karin.

Kuliyadaha Soomaliya ka dhisnaa waxa lagu dhigan jiray Luqada Talyaaniga marka laga reebo kuliyada waxbarshada ee afgooye ku taalay. Taasina waxay hoos u dhigtay tirade ardeyda Somaliland, ee hesha fursad waxbarasho oo jaamacadeed.

Dhalinyaro bisha May waxa ay soo afjartay sinaan la’aantii fursado waxbarasho ee ka jirtay lbadii dale e is raacay. Waxaana ka dhashay in tirade ardeyda Jaamacadaha dalka ka soo baxaa, ee fursado waxbarasho dibadeed helaya ay kala bataan. Waxaana muuqatey in heer nololeedkii da’yartu faraqii ka jiray, marka uu soo kordhaayey.

Dhaliilo badan way jiraan maanta, hase ahaate bisha MAY waa taad kaga xorrowdeen dagaalkii aqoonta ee israaci ka jiray, sidii kii siyaasiga ahaaee Kowdii July, maalintii israaca dhacay.

Dal horumarkiisu waxuu ku xidhan yahay dhllinyaradiisa iyo aqoonta ay leeyihin. Waxay taasi ka badbaadisaa in dalkoodu ka badbaado, iney aqoon shisheeye magan u noqdo. Dalkooda hooyo iyo dadkoodana u horseedaan nolol wanaagsan oo cisi,sharaf, karaamo iyo horumar leh lagu noolaado.

Dhllinyaro Bisha May waxay idin siiysay fursado waxbarasho oo aad mustaqbalkiinna ku dhisi kartiin. Abaal bey idinku leedahay. Waxay Bisha May idiin tahay waad arkeysaan, ee Toloow maxaad ugu gudi doontaan?





W.Q. Xuseen Cali Nuur


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS