Wuxu U Dhintay Xanuun Uu Saadsaday !

0
Monday 10th May 2021 11:22:33 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wuxu U Dhintay Xanuun Uu Saadsaday !

    Gareth Jones oo ahaa nin jila filimada caana ah, oo dalka Ingriiska u dhashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gareth Jones oo ahaa nin jila filimada caana ah, oo dalka Ingriiska u dhashay


 ayaa sanadkii 1958 ku metelayay filim uu dhigayay inuu ku dhacay cudurka wadno xanuunka. Laakiin waxa yaab noqotay in isla wakhtigaasi uu si rasmi ah ugu dhacay wadno xanuun ku soo booday iyadoo kamaradii laga duubayo.


Nasiib daro may jirin qof isku deyay inuu dhakhtarka ula cararo oo gargaar loo fiidiyo maxaa yeelay waxa loo haystay inuu weli filImkii metelayo. Gareth ayaa halkaasi ku naf baxay taasina waxay mucjiso ku noqotay filim duubayaashii iyo dhamaan intii filimka ku jirtay sida qisadii filimka ahayd ay mar qudha isugu bedeshay qiso dhab ah.




Waxa kale oo iyana Geeri naxdin abuurtay noqotay markii Frank Hies uu noqday ninkii ugu horeeyay ee ku guulaysta tartanka faradaha isagoo mayd ah. Franka ayaa tartanada ka qayb geliyay sanadkii 1923. Waxaana la sheegay in isagoo faraskiisa saaran oo tartanka ku jira inuu wadanuhu istaagay laakiin farasku ma joojin orodkii ilaa uu noqday kii ugu horeeyay oo ka gudba diilinta kuna guulaysta kaalinta koowaad. Waxase naxdin ku noqotay dadkii iyo garsoorayaashii markii la arkay Frank oo mayd ah oo faraskiisa saaran. Waxaana uu noqday maydkii ku guulaystay tartanka orodka fardaha.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS