"16 Xabadood Ayaa Igu Yaala 4 Jeerna Miino Ayaa Ila Kacday Maanta In La Yidhaahdo Xamar Buu Doonaya Waa Wax Aanan Gayin" [Kornayl Doolaal]

0
Friday 14th May 2021 20:00:17 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "16 Xabadood Ayaa Igu Yaala 4 Jeerna Miino Ayaa Ila Kacday Maanta In La Yidhaahdo Xamar Buu Doonaya Waa Wax Aanan Gayin" [Kornayl Doolaal]

    16 Xabadood Ayaa Igu Yaala 4 Jeerna Miino Ayaa Ila Kacday Maanta In La Yidhaahdo Xamar Buu Doonaya Waa Wax Aanan Gayin"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

16 Xabadood Ayaa Igu Yaala 4 Jeerna Miino Ayaa Ila Kacday Maanta In La Yidhaahdo Xamar Buu Doonaya Waa Wax Aanan Gayin"


Jimce, May, 14, 2021 (Karin News ) - Kornayl Jamac Maxamuud Aadan (Dollaal) oo soo dhaweyn loogu sameeyay magaalada Burco, ayaa sheegay in uu Somaliland usoo dagalamay xornimadeeda eedaha lagu oogayna aanu gayin.




Kornaylka oo maanta magaalada Burco soo gaadhay, ayaa soo dhaweyn kala kulmay shacabka ku dhaqan magaalada Burco oo uu asal ahan kasoo jeedo.


Kornaylka oo hadal gaaban ka jeediyay munaasibada soo dhaweynta ah, ayaa sheegay in xadhigiisu uu caddalad darro ahaa isla markaana lagu soo oogay danbiyo anu samayn karin.


"16 xabadood ayaa igu yaala 4 jeerna miino ayaa ila kacday, maanta in in munafaqad la ii dhigo oo la yidhaa Xamar buu doonayaa waa wax aan i qaban” ayuu yidhi Dollaal.


Waxa kale oo uu sheegay in layskala xisaabtami doono hablo uu sheegay in uu dawaday iyagoo ul lala dhacayo isla markaana jeelka lagu gurayo.


"Hablihii la xidh xidhayay ee dhangada lala dhacayay ee jeelka lagu gurayay waan daawaday lakin waa layskula xisaabtami doona” ayuu yidhi Dollaal.


Kornaylku faah faahin dheerad ah kamuu bixin hablaha uu sheegayaa kuwa ay yihiin.

Dollaal ayaa cafiska madaxweyne xabsiga lagaga siidayay 6 bishan May kadib markii 11 April ay madaxkamada millaterigu ku xukuntay 2 sano oo xadhiga iyado lagu eedeyay in uu xidhiidh la leeyayahay magaalada Muqdisho








LATEST NEWS