Muxuu Yahay Horyaalka Kubbadda Kolayga Ee Afrika Ee Hadda Billowday?

0
Monday 17th May 2021 08:00:54 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Horyaalka Kubbadda Kolayga Ee Afrika Ee Hadda Billowday?

    Muxuu Yahay Horyaalka Kubbadda Kolayga Ee Afrika Ee Hadda Billowday?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Yahay Horyaalka Kubbadda Kolayga Ee Afrika Ee Hadda Billowday?



Muddo hal sano ah wuxuu dib ugu dhacay cudurka Covid-19 awgiis, laakiin horyaalka cusub ee Kubbadda Kolayga qaaradda Afrika wuxuu furmadaa maanta oo Axad ah , 16 May Horyaalka Kubadda Kolayga Afrika (BAL), oo uu taageero xiriirka Kubadda Koleyga Mareykanka ee NBA, waxaa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka kala socda 12 waddan - laakiin sidee buu u shaqeyn doonaa?




Kooxaha ugu sarreeya kubadda kalayga Afrika ayaa Axadda isku wajihi doona magaalada Kigali ee caasimadda u ah waddanka Rwanda, iyagoo billaabaya tartan cusub oo loogu talogalay in lagu hormariyo ciyaarada, sare loogu qaado ganacsiga islamarkaana lagu soo bandhigo xirfadaha ugu wanaagsan.


Nigeria basketballer Ben Uzoh in action at the 2016 Olympics


Ujeeddooyinkaas waxay qeyb ka yihiin sababaha uu horyaalkan ugu lug yeeshay Xiriirka Kubbadda Kolayga Mareykanka ee NBA, kaasoo markii ugu horreysay abid gacan ka geysanaya qaban qaabada horyaal laga dhisay meel ka baxsan Mareykanka.


"Waxaan joognaa halkan oo Afrika ah sababtoo ah waxay nala tahay inaan yeelan karno saameynta ugu weyn," ayuu yidhi Adam Silver, oo ah guddoomiyaha NBA "Waxaan u jeednaa fursad taalla qaaradda ay ku nool yihiin dad ka badan hal bilyan oo qof iyo rajo fiican oo dhinaca xirfadda Kubbadda Kolayga ah.


,

Madaxa NBA Adam Silver (bidix), Xoghayaha guud ee Fiba Andreas Zagklis (dhexda) iyo madaxweynaha Horyaalka Kubbadda Kolayga Afrika Amadou Gallo Fall oo ka qayb galay ku dhawaaqista billaabashada tartanka ay maalgalinayaan NBA-da sanadkii 2019-ki Xiriirka maamula kubbadda kolayga adduunka ee magaciisa loo soo gaabiyo FIBA ayaa sidoo kale gacan ka geystay aasaaska horyaalkan oo rajo laga qabo inay kasoo baxaan ciyaartoy la mid ah Joel Embiid (Cameroon) ama Pascal Siakam (Congo).


"Afrika waa qaarad ay ka buuxaan siro badan iyo dhaqaale badan, waxaana u maleynayaa in kheyraadkan oo dhan la heli doono," ayuu yidhi rugcaddaaga Kubadda Kolayga Dikembe Mutombo oo la hadlayay BBC-da laanteeda ciyaaraha ee Afrika "Maadaama ay ciyaarahan billaabanayaan, waxaa jiri doona ciyaartoy badan oo qaaradda kasoo if bixi doona, waliba kuwo aan noocooda horay loo arkin."


LATEST NEWS