Muxuu Yahay Cudurka Khatarta Ku Haya Dadka Ka Jaca Xanuunka Coronavirus ee Hindiya?

0
Friday 21st May 2021 07:20:44 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Yahay Cudurka Khatarta Ku Haya Dadka Ka Jaca Xanuunka Coronavirus ee Hindiya?

    Muxuu Yahay Cudurka Khatarta Ku Haya Dadka Ka Jaca Xanuunka Coronavirus ee Hindiya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Yahay Cudurka Khatarta Ku Haya Dadka Ka Jaca Xanuunka Coronavirus ee Hindiya?

Mas'uuliyiinta caafimaadka Hindiya ayaa ugu baaqay gobollada dalkaas inay ku dhawaaqaan in xanuun faafa uu ka dillaacay halkaas kaddib markii ay kordheen kiisaska xanuunka dilaaga ah ee "Black fungus" Caabuqan dhifka ah, oo lagu magacaabo mucormycosis, ayaa 50% sababa dhimasho, iyadoo dadka qaar lagu badbaadiyo in laga saaro il amaba lafta garka.



Balse bilihii la soo dhaafay, Hindiya waxay diwaan-gelisay kumannaan kiisas ah oo la xiriira bukaannada ka soo kabtay amaba ka soo kabanaya Covid-19 Dhakhaatiirta ayaa ka shakisan in laga yaabo in xanuunkan uu la xiriiro dawooyinka lagula tacaalo Covid-19.


Bukaannada qaba xanuunka macaanka ayaa si gaar ah khatar ugu jira, iyadoo dhakhaatiirtu ay BBC-da u sheegeen inay u muuqato in xanuunkan uu asiibo bukaannada ka soo kabtay Covid-19 muddo 12 ilaa 15 maalmood kaddib.


Xoghayaha wasaaradda caafimaadka dalkaas, Lav Agarwal, ayaa Khamiistii farriin u diray 29-ka gobol ee Hindiya taas oo uu uga codsanayo inay ku dhawaaqaan in xanuunkani yahay mid faafa.


Haddii ay sidaas sameeyaan, wasaaradda waxaa u fududaaneysa inay si dhow ula socoto waxa ka dhacaya gobol walba.


Ma cadda tirada kiisaska laga soo sheegay dalkaas, oo haatan dhex mukhuuranaya mowjad labaad oo Covid-19 ah kaas oo ay sababsadeen tobnaan kun oo qof.



LATEST NEWS