"Ma Xafiisyaa? Mise Kallaab-yadii Tumashada iyo Qoob Ka Ciyaarka Lagu Dheelijirey?".

0
Tuesday 1st June 2021 10:13:36 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 347
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ma Xafiisyaa? Mise Kallaab-yadii Tumashada iyo Qoob Ka Ciyaarka Lagu Dheelijirey?".

    Sammeecado qof laa leeg ayaa heeso aan dhammaad lahayn dhawaaqodana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sammeecado qof laa leeg ayaa heeso aan dhammaad lahayn dhawaaqodana
 qofka meel 2kiilo-mitir u jirta joogaa/hurdaa ku toosayo ama maqlayo laga shidayaa 4-galabnimo PM illaa 1-da duhurnimo PM, qiyaastii 20 saacadood oo xidhiidh ah marka aan soo koobo. Qol-laalkan xafiisyada ololaha Xisbiyada lagu sheegay ayaan u socdaaye, qolkaa 3-da mitir² ah waxa gudihiisa kujira dhalinyaro gaadhaysa 15-30 qof, waa Gabdho aad u da-yar iyo Wiilal qoormuusle-yaal/jeego-xiiro ah, waxan ka hadlayaa inta aan shaqadii xafiiskaba la gaadhin!!'tusaale' salaada casar kadib illaa lagagadhayo 8-da subaxnimo AM (wakhtiga shaqada). Inta subixii laga gaadhayo habeenkii oo dhan waxa siwadajir ah heesahaa aan joogsiga lahayn ugu ciyaaraya/jaasaya Hablihii iyo Wiilashii isku keliyeystey (aan waxba u kala soocnayn ayuu hadalku sax ku yahay !!). Waxa intaa wiilasha u raacda cunidda Qaad/Jaad,Sigaar iyo nihii nihii kale, mase hubo in habluhu ka madhanyihiin iyo in kale (mooyi! ).


Dhalinyartaa habeenkaasi wuxu ugu soo dhamaanayaa soo jeed iyo ciyaar, aan ba ugu yeedhno(Tumasho/Bakhlo)oo magac u noqon kara, subixii uun ayaad arkaysaa gabadh cagacad,madaxqaawan,rafaad nafsiyani ka muuqdo, xidhanna garan murashaxii naartan ay raaxada moodayso madaxa u geliyey ku sawiranyahay oo inta ay gaadhi xawli ku soconaya daaqadiisa madaxa kala soo dhacday ku qaylinaysa "HEBEL BAA LEH HEBEL HA GUULAYSTO IYO BALAA BALAA" . Goobtaasi ma goob xafiis qof masuul ah oo hurumar keeni karaa leeyahaybaa? Mise waa goob xumaan iyo fisqi sababtay oo mudan in wax laga qabto??.

Su'aalahan Ayan Isweydiiyey Adigu-se Mooji .
1. Doorkii Wasarada Diintu xaguu maray?
2. Qolooyinkii xumaan reebida iyo wanaagfarida dadka lacagta kaga qaadijirey xagay ka dhaceen?
3. Doorkii culimadu aaway?
4. Ma waajibbaa in Xisbigu ama Murashaxu uu heeso ku dabaal dego?maxaa helaya haddii waxa uu qabanayo ku dabaal dego oo dadku dhegeystaan?


Weligeenba xabaal aan qodmayn ayaynu qodnaa oo faruhu ina ku jabaan. Horumar aan tubtiisa lahayni ma dhalo.
Saamaynta taban ee ololaha doorashada iskusidkan ee #Somaliland
#SomalilandElection2021

Email: [email protected]
Tell: +252634442769

W/Q: Suleiman H Sandhere


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS