Barkhad Wuxuu Matalaya Bulsho Su'aal Qabta!

0
Wednesday 2nd June 2021 07:00:53 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barkhad Wuxuu Matalaya Bulsho Su'aal Qabta!

    Aniga oo aan faragashaneyn, kana fiirineyn dhinaca siyaasadda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aniga oo aan faragashaneyn, kana fiirineyn dhinaca siyaasadda, haddana waxaa i soo jiitey dareenka Soomaalida ee aan xuduudka laheyn ee ku aadan Xil. Barkhad Jaamac Battuun!

Marka hore waxaan Xil. Barkhad u rajeynayaa nasiib wanaagsan, iyo in uu Alle-weyne u rumeeyo hammigiisa iyo sida Soomaalidu la jeceshahey. Sharaxaad uma baahna sababta Soomaali oo dhan ay u daneyneyso Barkhad iyo halgankiisa.

Sida taariikhda laga dheehan karo, Soomaalidu Kontankii sanaba marbay xarigga goosan jirtey, xumaan ama samaan, waxaanse rajeynayaa in dareenka wanaagsan ee ku aadan Xil. Barkhad Jaamac Battuun uu horseedi doono sinnaan bulsho oo kala gaarta dhammaan dhulka Soomaalidu degto.


Dhibaatada Soomaalida heysata waxyaabaha lagu sababeeyo waxaa ka mid ah dulmiga, xaqiraadda, iyo diinta oo afka laga sheegto, waana arimo diinteenu si weyn inooga digtey. Ibliis wuxuu isaga oo aan munaafaqadeyney diidey amarka Allah, wuxuuna raacsadey codsi ah in la siiyo waqti uu ku duufsado dad naarta la gala, Allana waa ka aqbaley maxaa yeeley wuxuu ka fogaadey munaafaqad, xisaabtiisana dib ayaa loogu dhigey.
War dadku wax isma dheere Soomaaliyey oo Alle-weyne ayaa noo sheegey ee labo mid aan yeelno; munaafaqadda iyo ciyaarta aan ka deyno diinta oo aan ka run sheegno si Alle noogu gargaaro aakhiro iyo adduunba, ama aan warkeena caddeysano sida Ibliiska oo aan bannaanka ka istaagno (Alle nooma kaso tan).

Bal ka waran haddii lagu yiraa labadaada indhood magyooda mid waa 50 geel ah, mida kalana waa 10 geel ah? Bal ka waran haddii lagu yiraa labadaada gabdhood mid waa 100 geel ah oo yarad ah, midna waa 5 geel ah yaraddeedu? Bal ka waran haddii Wiilka ama gabadha kula fadhisa fasalka lagu yiraa wuu/way kaa sarreeyaa/sarreysaa ama way kaa sharaf badan yahey/tahey? Bal ka waran adiga oo kaadi ku gubeyso haddii lagu yiraa waa lagaa mudan yahey musqusha? Waan ogahey kuwaani ma ahan tusaaleyaal fiican laakiin waxaan ka leexanaya qaar kale.
Diinta oo laga run sheego, caddaaadda oo loo dhowaado, dulmiga oo laga fogaado, bini-aadamka oo la qiimeeyo, iyo sinnaanta bulsho oo hirgasha ayaan kaga bixi karnaa tiiha afartan dhaafey ee aanu ku jirno.
Dhammaanteen waxaan nahey Barkhad!.

FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS