Xiisadda Niilka iyo Xasaradda Gobolka

0
Wednesday 2nd June 2021 07:05:25 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisadda Niilka iyo Xasaradda Gobolka

    Tan iyo shirkii ay Jaamacadda Carabtu gaashaanka ugu daruurtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo shirkii ay Jaamacadda Carabtu gaashaanka ugu daruurtay


 waxa loogu yeero ‘HESHIISKA QARNIGA’ ee uu MW Trump, Qudus ugu aqoonsaday in ay tahay caasimadda dowladda Israa’iil, waxaa soo-baxayey cadaadis ay dowladda Maraykanku dul-dhigtay dalka Masar. Maraykanku waxa uu ku cadaadinayey [Masar] in ay dalalka JC ku qanciso aqoonsashada ‘HESHIISKA QARNIGA’. Goorta ay Masar culayskaa siyaasadeed wajahayso, bil uun kadib, waxaa fashil ku soo idlaaday wadahadalladii ay Washigton ku dhexdhexaadineysey Masar, Suudaan iyo Itoobiya.



Dabadeed, Abiy Axmed oo ay doorashadiisu ku aaddanayd bisha 8-aad ee sanadkaan 2020-ka, kahor inta aanan sababo Koroona aawadeed dib loogu dhigin, ayaa isagu qorsheynayey in uu ololaha doorashada ku galo dhammaystirka dhismaha kaydka koobaad ee biyo-xireenka ABAY oo muggiisa dhan yahay 74M oo m3. Laakiin, Koroonaha kahor, Masar xaaladdu aad bay ugu kacsanayd. Laba daran mid dooro bay sheekadu joogtay; ama wixii ka dhacayaaba ha ka dhacaane Qudus caasimadda Yuhuudda u aqoonsada oo Maraykanku qadiyadda ha idinku taageero, ama Itoobiya ha idin kaga lib sarrayso doodda Niilka.


Kharashka dhismaha biyo-xireenkaani waa mid laga soo ururiyey shacabweynaha Itoobiya. Sidaa darteed, Itoobiyaanku qadiyadda meel fog bay ka taagan yihiin. Weeraha aadka u caanka baxay ee ay Itoobiyaanku kaga falceliyaan doodaha Niilka ee baraha bulshada waxaa kamid ah:

Webiga Niil mar dambe ma ahan agoon, ee waa ilmo Itoobiyaan ah oo horay loo dayacay, laakiin hadda sumcad u ah Itoobiyaanka.

Diblomaasiyiinta iyo safiirrada caalamiga ah ee Itoobiyaanku na waxay ku doodaan in Itoobiya ayan ninna marti ugu ahayn ka faa’iideysigeeda dhanka hagaagsan ee khayraadkeeda Ilaahiga ah; sidaa darteed biyo-xireenka ABAY dhismihiisu in uu ku qotamo xeerarka caalamiga ah.

Tan iyo 2011-kii oo dhisamaha biyo-xireenkani soo bilowday, Masaaridu waxay doonayeen oo ay mar-walba cimri-dheeraynayeen waqtiga buuxinta kaydka koobaad, balse ishaafalataystaha weyn ee Abiy oo talada Itoobiya la wareegay labo sano kahor bishaan oo kale ayaa isagu dhamaadka sanadkii hore tegey booqday dalka Masar, madaxweyne Siisina wacad kula galay in aanu hawsha webigaan ku khayaami doonin Masar.

Kolkaas qaar kamid ah saaxiibada dhow ee Abiy iyo saraakiil sirdoonka Itoobiya kamid ah ayaa muujiyey cabsi ka dhan ah in uu arrinta Niilka ugu eexdo Masaarida. Dedaalladii ummaddiisa na uu hal bacaad lagu lisay ka yeelo.

Falanqeeyaal badan baa Abiy Axmed u nisbeeyay dilkii aanan raadka loo helin ee Injineerkii dowladda Itoobiya waayeelka uga ahaa dhismaha biyo-xireenka. Masaarida wuu carrab-laalaadiyey, mashruucii na inta uusan hawlwadeenkiisa beddelin, waxa uu fatashaad heer sare ah ku sameeyay saraakiishii shirkadda MeTEC oo iyadu waddey mashruucaan qaran. Dabadeed waxaa u fududaatay Abiy in dhismaha biyo-xireenku uu gacantiisa soo galo. Laakiin waa wadani aanan qarankiisa dhacayn e, halkii buu ka sii ambaqaaday dhammaystirka dhismaha biyo-xireenka ABAY.

Masaaridu ma ayan jeclaysan isbeddellada uu Abiy suubiyey, beddelkeed na waxay bilaabeen qaylo-dhaan iyo waawarey ay Jaamacadda Carabta u direen. Iyo damac ay ku hunguriyeeyeen saldhig ay gudaha Soomaaliya ka helaan. Laakiin, hindisa siyaasadeedka cusub ee Midowga Geeska Afrika " Integration of Horn” ayaa Masaarida ku noqday dhabarjab siyaasadeed oo ay mar kale kaga hungoobayso xiisadda Niilka ee Itoobiya kala dhaxaysa. Hindisuhu waxa uu kaalmaynayaa dhaqdhaqaaq millateri oo xooggan oo ay gobolka Gedo ka wadaan Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Itoobiya; ciidamadaas oo iyagu si adag u soo xiri doona isla-markaana kala goyn doona xuduudda dheer ee aynu Keenya la wadaagno, si meesha looga saaro in ciidamo dambe oo shisheeye ay ku sii jiraan Jubbooyinka. Dowladdu, sidoo kale waxay hawlgalkaas uga faa’iideysaneysaa in ay ku xorayso Bu’aalo, si Jubaland looga sal-rujiyo maamul gacan-saar la leh dowladda Keenya.

Keenya oo iyadu ka cabsi qabta in Itoobiya ay kala wareegto awoodda dhaqaale ee gobolka ayaa Masaarida kula safatay muranka Niilka; ugu dambaynna waxaa jira xogo aanan shaacbixin oo sheegaya in Keenya ay gudaha dalkeeda, Masar ka siinayso saldhig ciidan oo ay ku kaalmayso dagaalka Niilka ee ay Itoobiya la galayso.

Maqaalka xiga ayaan isna dhawaan soo deyn doonaa, kaas oo noqon doona mid idinku biirinaya xogo muhim ah iyo dareen cusub oo ugu dambaynta kor u qaadaya fahamkeenna wacyi-siyaasadeed ee Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.
W/Q:Barkhad Cabduqaadir


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS