Asalka adduunka

0
Wednesday 2nd June 2021 09:46:46 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 127
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Asalka adduunka

    Noloshu waxay kusocotaa oo ay raacdaa sunan iyo xeerar ilaahi ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Noloshu waxay kusocotaa oo ay raacdaa sunan iyo xeerar ilaahi ah,


aadmigana goor hore ayaa la-faray inuu u-dhug yeesho abuurka iyo jiritaankiisa.
In-kastoo garashada aadmigu ayan dhaafsiisnayn soohdin ka-baxsan la-herdanka nolol maalmeedka, haddana qarniyadii dame waxaa soo baxay aqoonyahanno ku-fogaaday culuumta dabiicadda, falaga, falsafadda…


Sidoo kale waxaa jiray saynisyahanno ku xeel dheeraaday afaaraha koonka, raggaasi waxay daaha ka-feydeen aragtiyo badan, sida kuwo ka-hadlaya samayska adduunka, jiritaanka Eebbe iyo unkashada abuurka. Waxaana kamida aragtida asalka koonka oo iyadu dhalisay doodo kulul oo cuskanaa tijaabooyin iyo xallin-xisaabeedyo badan.



Qarnigii 19-aad aadmiga waxaa u-furmay bogag cusub oo wax badan ka-bedelay hanaan socodka noloshii caadiga ahayd. Is-bedelkaasi na wuxuu keenay aadmigu inuu wax iska weydiiyo ogaallo la xiriira samayska adduunka. Xilligaas oo ay dunida haysteen aqoonyahanno ictiqaadsanaa adduunku in uu ku-sugan yahay xaalad degan (cosmological constant), koonkuna uusan ahayn wax la-abuuray, iyo in ayan jirin wax aanan ‘matter’ ka-ahayn.


Raggaas iyaga ahaa waxaa lagu magacaabaa maaddiyiin (materialists), waxaana kamid ahaa odaygii George Politzer ahaa, goor dame oo aragtidoodu ay miska-liicday, ayey si ay dooddooda u-xoojiyaan bilaabeen inay yiraahdaan, haddiiba adduunku uu yahay wax la abuuray, waxaa jira qarax si-kedis ah u-dhacay oo dhismihiisu uu ka-falkismay.


Is-bedelka ku yimi ogaallada ay helayaan ayaa ka-keenay saynisyahankii Politzer ahaa inuu mar kale yiraahdo, adduunku markiisii hore wuxuu kayimi wax aanan jirin, isagoo isu-arkayay mid ku-taagan andaco sayniseed. Balse arrintani waxay u muuqanaysay saynisku mid uusan si fudud ku-qaadan karin.

Qarnigii 20-aad, ilbaxnimada cilmiga dabiicadda (physics), ayaa cagta marisay afkaaro khuraaf ahaa oo waagii hore nolosha laga aaminsanaa. Sidoo kale isla bilowgii qarnigii 21-aad baraarugii uu sameeyay cilmiga dabiicaddu, wuxuu horseeday isagoo adeegsanaysa tijaabooyin, caddaymo iyo xallin-xisaabeedyo badan in been iyo barabogaanda loo arko waxyaabo badan oo markii hore fahan qaldan laga haystay, kuwaas oo ay dunida ku-hayeen raggii maaddiyiinta ahaa. Sida adduunku in uu yahay mid ku-sugan xaalad xasilan oo bilow iyo dhamaad toonna aanan lahayn. Bal’e uu yahay mid kayimi qarax weynaa oo quruun hore qarxay.
Sida caadiga ah garashada caqligu waxay ina bartay wixii jiraba cid samaysay ayaa jirta, sidoo kale wax kasta oo jiraa wuxuu kayimi waxyaabo la iskusoo daray.
Sheekadu markii hore waxay ku ekayd adduunku maahan wax la abuuray, balse fahamka cilmiga saynisku wuxuu sababy raggii maaddiyiinta ahaa inay qiraan, adduunku inuu kayimi qarax xilli hore dhacay.
Aragtidaa oraneysa;"wax kayimi wax aanan jirini”waxay noqotay mid yara kogan oo ay adkaatay dadku inay si sahal ah ku-liqaan.
Marka lajoogo caqiidada Islaamka, wixii ka yimaada eber nimo (wax aanan jirin), waxaa layiraahdaa maqaadiir iyo awood rabbi ayey kuyimaadeen. Balse saynisyahannadii maaddiyiinta ahaa iyagoo ka xishoonaya qirashada xaqa ayey yiraahdeen;
Dhibicdii uu adduunku ka-samaysmay markii hore ayaa waxay ahayd mid muggeedu uu eber yahay (zero volume), isla-markaana leh cuf aanan dhamaad lahayn (infinity density).
Waxaa halkaa kasoo dhex-baxday aragti kaabaysa afkaaraha iyo umuuraha dhaafsiisan fahamka qofka caadiga ah, isla-markaa na qolyaha maaddiyiinta ahi si ay uga fogaadaan qirashada inay jirto maqaadiir iyo awood maamusha koonka, ayey yiraahdeen wax-kastoo lagaran waayo bilowgiisa, markii hore ayuu ka-yimi wax muggiisu uu eber yahay, cufkiisuna uusan xadidnayn.
Sidaa darteed aragtida oraneysa wax kayimi wax aanan jirini islaami ahaan waa caddaynta ugu weyn ee tilmaamaysa jiritaanka Eebbe. Waxayna soo afmeeraysa aragtiyihii hore ee Eebe-inkirayaasha.
Qaraxa loo bixiyay Big-Bang ee la ogaaday qarnigii 20-aad, wuxuu ina tusayaa adduunku markii hore inuu kayimi wax kala jabay, sidaa si lamida Qur’aanku 14 qarni kahor ayuu inoo tilmaamay qaraxaa isaga ah iyo sida uu abuurku adduunku kuyimi. (Suuratu Anbiya aayadda 30-aad).
Haddii aan isu-eegno aragtida qaraxa iyo waxa ay tilmaamayso aayaddu, waxaynu arki inay isku-meel ku-biya-shubanayaan.
Raggii ku-caana-beelay aragtidii khuraafiga ahayd ee oraneysay adduunku wuxuu kujiraa xaalad degan, waxaa kamid ahaa saynisyahankii weynaa ee la oran jirayAlbert Einsteinoo isagu goor dame dib-u-gurasho sameeyay.
Xiddig-yahannadii iyo raggii ku-takhasusay aqoonta meerayaashu, markii ay si cilmiyeysan u-ogaadeen jiritaanka wax ka-dameeyay samayska adduunka, ayey bilaabeen inay daaqadda ka-tuuraan aragtidii ay u-go’een ee maaddiyiinta. Iyagoo isla-markaana ku mintidaya dhidiba-u-taagidda aragtida ay iyagu ictiqaadsanaayeen.
Arrintani waxay sababtay maaddiyahankii dabiicad-yaqaanka ahaa ee Arthur Eddington wax laga yaqyaqsado inuu u arko garashada xilligaa la-gartay qaraxii ka-dameeyay abuurka adduunka.
SaynisyahankiiFred Hoyleayaa kamid ahaa aragtida qaraxu raggii ay sheekada qastay.
Waayo isagu bartamaha qarnigaa ayuu la-roorayey aragti deganaanshiye ah (steady state theory), oo aan sidaa uga fogeyn middii oolayd bilowga qarnigii 19-aad (constant universe”). Aragtidaa iyada ahi waxay ku-doodeysay cabbirka adduunku inuusan xad lahayn, iyo daa’iman ba in uu yahay mid jiraya (macnaha majiro qarax hore oo adduunku uu ka-yimi iyo aakhiro dame oo loo socdo).
Aragtidani waxay u-muuqaneysay mid lagu daafacayo afkaarta maaddiyiintii hore, waayo waxay ahayd mid aanan u-dhaweyn fikraddii gadaal laga helay ee Big-Bang ka. Qolyihii aaminsanaana waxay u-go’een muddo badan inay diidaan aragtida qaraxa Big-Bang ka. Balse saynisku hawsha halkii ayuu kasii wadau uma aabba-yeelay fahamkoodii qaldanaa. Walow uu isaguna muddo badan kadib uu qiray aragtidaBig-Bang.

Qarniba qarniga xiga waxaa kordhayey fahamka aadamiga ee sayniska iyo jiritaanka nolosha, waagii hore waxaa la qabay adduunku inuu ka yimi wax aanan jirin, waxaa xigtay in layiraahdo wuxuu kayimi qarax quruun hore dhacay.
Goor ay ahayd 1948, ayaaGeorge Gamovwuxuu layimi aragti la xiriirta Big-Bang ka, taas oo oraneysa haddii adduunku uu ku-samaysmay qarax u-dhacay si dhakhse ah, haddaba waxaa jira xaddi shucaac ah oo la-dareemi karo oo ku har meeshii uu qaraxu ka-dhacay, kaas oo si-isku mid ah (uniform) ugu baaha hawada sare.

Muddo 20-neeyo sano ah gudaheed ba, aragtidiiGamovwaxay noqotay mid safka hore kaga jirtay ogaallada iyo aragtiyaha laga dhaxlay nolosha casriga ah.

1965-tii cilmi-baareyaashaArno PenziasiyoRobert Wilsonayaa waxay si lama-filaan ah u heleen shucaac. Waxayna u-bixiyeen"Shucaaca asalka adduunka”. Uma uusan muuqan (saynisyahannada) il uu kasoo butaacayey shucaacu, balse waxay arkeen inuu yahay mid ku faafaya hawada sare.
Durbadiiba waxaa la ogaaday shucaaca labadaa saynisyahan ay heleeni inuu yahay dayoonkii qaraxa (Echo of the Big-Bang). Labadii ninna hal-abuurkoodii ayaa waxa lagu siiyay abaal-marinta caalamiga ah ee Noble Prize.

1929-kii xiddigyahanka Maraykan eeEdwin Hubbleayaa hindisay hal-abuurkii ugu muhiimsanaa taariikhda xiddigaha iyo meera-baradka. Ninkaasi waa odayga loogu magac daray fiiro-tebiyeyaasha (telescope) ah indhaha uu aadmigu ku eego adduunka uusan ku eegi karin indhaha daciifka ah.

Hal-abuurkiiHubbleisna wuxuu hawada ku-icraabay aragtiyo badan oo laga qabay xidigaha fagaagga meeraysta iyo cir-jiidyo (Galaxies) laga been sheegi jiray, sidoo kale fiiro-tebiyayaashaasi waxay soo afjareen buuq iyo dood kulul oo bilowgii qarniga taagnayd, taas oo ku saabsanayd is-fidinta adduunka. Warbixinadaasina waxay kallifeen Einestein oo kamid ahaa saynisyahannadii Eebe-inkirayaasha ahaa, loona tixgelinayay saynisyahanka qarnigu, isaguna inuu iska-tuuro aragtidii ma-dhalayska noqotay ee uu qabay (cosmological cosntant).

Aragtida is-fitaaxa adduunka ee Hubble uu qarnigii 21-aad tilmaamay, Qur’aanku 14 qarni kahor ayuu inooku bilaabay suuratu Daariyaad aayaddeeda 47-aad.

1989-kii hay’addaNASAayaa hawada sare u dirtay dayax-gacmeed, si uu usoo sahmiyo shucaaca asal ahaan uu caalamku ka yimi. Daqiiqado 8-dhan ayey ku-qaadatay qaybta dareenka ee dayax-gacmeedku inay dareento oo xaqiijiso herarka shucaaca ee ay ka-warameen Arno Penzias iyo Robert Wilson.
Sidoo kale dayax-gacmeedki wuxuu soo helay haraadiga qaraxii weynaa ee adduunku uu ka-bilowdo.

Dayax-gacmeedkii labaad ayaa hawada sare u-diray, si uu usoo xaqiijiyo xisaabaadkii laga hayay shucaaca iyo midka dhabta ah. Waxayna noqdeen kuwo sax ah oo isku-fadhiya.

Waxaa la-yiraahdaa adduunku wuxuu ka samaysanyahay curiyayaasha Hydrogen iyo Helium. Hydrogen-Helium ta xisaabta lagu hayay adduunku inuu ka samaysan yahay iyo ogaalkii hawarada sare lagusoo ogaaday, qudheeda ayaa nabar iyo boog cusub ku-nooqday qolyihii ku doodi jiray aragtida (Steady state theory). Ee ka-fursan waayay guulaha aragtida Big-Bang, ayaa si ay isu-moogsiiyaan jiritaanka aakhiro waxay yiraahdeen; "Waxaa gebi ahaan ba isku gubtay Hydrogen tii iyo Helium kii.

Guulihii aragtidaBig-Banggaartay ayaa horseedday qashin-tuurka taariikhda in lagu daadiyo aaragtidii maaddiyiinta. Sidoo kale waxay sababtay qaar kamida raggii aragtida (cosmological constant) caqli xoolaad inay ku tilmaamaanSt.Thomas, oo isagu qabay in aan si sahal ah lagu xaqiijin karin jiritaanka meel uu adduunku kasoo bilowday iyo meel uu ku-dhamaanayo.

Goor dame ayaa cilmiga sayniska waxaa kusoo korortay aragti oraneysa;
"Toban talaabo haddii aan horay u-qaadno, oo misana aad dib-u-qaaddo waxaad kunoqon meeshaadii” aragtidaasi waxay araxda ka jebisay fikraddii diidaysay adduunku meel uu ka bilowday inuu leeyahay.

Noloshu waxay ina bartay socodka gooreysadu inuu leeyahay meel uu kasoo bilaabmay, sidoo kale sayniska ayaa isana ina baray wixii bilow lihi, dhamaad na inuu leeyahay.

WQ:Barkhad Cabduqaadir Awcali


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS