Yaa u qalma duqqa degmada Burco?

0
Sunday 6th June 2021 14:09:58 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 488
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa u qalma duqqa degmada Burco?

    Burco waa magaalo baahi weyn u qabta madax u hagar baxda wax qabadna u samaysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco waa magaalo baahi weyn u qabta madax u hagar baxda wax qabadna u samaysa,


uma baahna keli ah maayar iyo ku xigeen ee waxay u baahantahay gole deegaan oo aad isugu xidhan, wada shaqayn leh, ujeeddona midayso.

Marka ay noqoto maayarka iyo ku xigeenka; waxay ay u baahantahay ashkaas deggan,aqoon ahaan dhisan,akhlaaq wacan,daacad ah,go'aammo gaadhi kara , sidoo kalena fahamkoodu sarreeyo.


Sidoo kale labadan shakhsi midkood waa inuu xidhiidho ka baxsan somaliland leeyahay, haddaan si kale u dhigo waa inuu awood u leeyahay inuu cid kale magaalada ku soo xidhi karo oo horumarka ka taageerta sida tabobarro,dhaqaale iyo aqoon la xidhiidha shaqadaba.

Labadan shakhsi way inay noqdaan kuwo dadka dhegaysta la heli karo oo albaabkoodu furanyahay, sidoo kalena aan cid gaar ah sida saaxiibadood gacanta ku hayn ee dadku u simanyihiin,shaqadana ay yeeshaan la taliyayaal maadaama oo laga yaabo inay nidaamkan dawladaha hoose u shaqeeyaan ku cusub yihiin.

Shakhsiyaad dabeecadahaas leh ama soo dhowayn kara way iiga muuqdaan golahan cusub intaan ka aqaano, lkn ka hor dhici maayo ee aan dhowrno waayaha.
















FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS