Faransiiska Oo Jabuuti Ka Caawinaya Dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo Casri Ah

0
Thursday 10th June 2021 06:50:48 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faransiiska Oo Jabuuti Ka Caawinaya Dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo Casri Ah

    Faransiiska Oo Jabuuti Ka Caawinaya Dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo Casri Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faransiiska Oo Jabuuti Ka Caawinaya Dhismaha Garoon Diyaaradeed Oo Casri Ah

Dowladda Jabuuti ayaa dhisanaysa garoon diyaaradeed oo ka mid noqon doona kuwa ugu casrisan uguna waaweyn geeska Afrika, kaas oo loogu magac daray madaxweynihii hore ee dalka Jabuuti, Allaha unaxariistee Xasan Guuleed Abtidoon.



Marka laga soo tago in gooroonka uu noqon doona mid fududeeya adeegyo badan oo dhanka gobalka ah, isla markaana uu soo kordhiyo bilic wanaagsan, haddana waxaa la rajeynayaa inuu qayb weyn ka qaato shaqo abuurka dhalinyarada reer Jabuuti xilli ay dalka ka jirto shaqo la'aan baahansan oo haysta da'yarta.


Dolwadda Faransiiska ayaa fulinaysa dhismaha garoonkan, iyadoo labada madaxweyne ee Macron iyo Geelle ay dhawaan ka wadahadleen mashruucaan lagu dhisyo gegidaan diyaaradaha.


Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqosho ku tagay dhawaan dalka Faransiiska, ayaa halkaa kula kulmay dhigiisa dalkaas Emmanuel Macron, waxayna labada madaxweyne ka wadahadleen arrimo uu ka mid yahay dhismaha garoonkan oo dowladda Faransiiska ay ka caawineyso Jabuuti dhaqaalaha lagu dhisayo.


Danjiraha dowladda Faransiiska u fadhiya Jabuuti, Arnaud Guillo, ayaa sheegay in tallaabadan loogu dhisayo Jabuuti garoonka cusub ay tahay mid weyn oo u furaysa waji cusub oo xiriirka ka dhaxeeya labada dal ah.


"Waxa aan furnay bog cusub oo ku sabsaan dhismaha Garoonkan cusub, waxaan sameyn doonnaa qiimeyn qoto dheer oo ku sabsaan mashruacaan iyo kharashka ku baxaya iyo sida uu dhismaha garoonka noqon doono", ayuu yiri Danjire Guillo.


Wuxuu intaas ku daray in qiimeynta ay samayn doonaan natiijadeedu ay noqon doonto mid wax ku ool ah.








LATEST NEWS