[Akhriso:-] Xasan Sheekh Maxamuud Oo shaaciyey In La Iibsaday Askartii Loo Qaaday Dalka Eritrea

0
Thursday 10th June 2021 07:10:31 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Xasan Sheekh Maxamuud Oo shaaciyey In La Iibsaday Askartii Loo Qaaday Dalka Eritrea

    [Akhriso:-] Xasan Sheekh Maxamuud Oo shaaciyey In La Iibsaday Askartii Loo Qaaday Dalka Eritrea

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Akhriso:-] Xasan Sheekh Maxamuud Oo shaaciyey In La Iibsaday Askartii Loo Qaaday Dalka Eritrea

Muqdisho (Karin News ) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta dhalinyaradii ay dowladda Soomaaliya tababarka ugu qaaday dalka Ertirea ee la waayey, ayaa sheegay inay aaminsan yihiin in dhalinyaradaas la iibsaday.



Xasan Sheekh ayaa madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ka dalbaday in nolol iyo geeri uu meel ku soo sheego dhalinyaradaas maalin kasta waalidiintii dhashay ay wal-walka iyo cabashada banaanka la taagan yihiin.


"Dhalinyaradaas waxaan ku tilmaami karaa kuwo la iibsaday, dowladii dhalinyaradaas qaaday waxaa laga la’yahay inay dadka soo hor istaagto oo tiraa war dhalinyaradii wacaalkoodu waa sidaan. War sidaasi mas’uuliyad maaha, hal nin oo dowladaan ka tirsan kuma dhaco inta warbaahinta soo istaago inuu yiraahdo dhalinyaradii aan iibsanay halkaas ayey ku dambeeyeen,” ayuu yiri Xasan Sheekh.


Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ragii xilalka hayey xiligii dhalinyaradaas la qaaday ee aan hadda xilalka heyn waxa uu xasuusiyey inay heystaan fursad ay dadka ugu sheegi karaan inta ay ka ogyihiin hanaankii lagu dhoofiyey dhalinyaradaas iyo xogta ay ka hayaan halka ay ku dambeeyaan.


"Hooyinka maalin kasta ooynaya ee jidadka taagan xaqey leeyihiin, in caruurtoodii loo sheego halka ay ku dambeeyeen xaqey u leeyihiin, madaxweynihii hore, xukuumadda iyo ragii berigaas joogay ee aan hada joogin waa inay u sheegaan hooyooyinka halka la geeyey caruurtoodii, war dowladeena maxaa ku dhacay? Arrintaan in laga aamuso ma mudna,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.


Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, "In Qaramada Midoobey ay maalin noo sheegto in dhalinyaradeenii dal kale ay dagaal ku gashay, maalina madaxda dalal kale ay noo sheegaan in dekedaheenii loo saxiixay dal kale, nagama qabato madaxda aan mas’uuliyadda u dhiibanay, madaxdu waa kuwa dadka soo hor istaaga oo u sheegay runta, xattaa hadii ay qaraartahay, wax aad qari kartaan malaha ee sheega, inta aysan gaarin meel halkaan ka sii qaraar.”




LATEST NEWS