[Xasaasi:-] Madax-Dhaqameedka Beesha Barriga Burco Oo Ku Gacansaydhay Kulan Uu Doonayay Inuu Madaxweyne Biixi La Yeesho

0
Monday 14th June 2021 15:00:57 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xasaasi:-] Madax-Dhaqameedka Beesha Barriga Burco Oo Ku Gacansaydhay Kulan Uu Doonayay Inuu Madaxweyne Biixi La Yeesho

    [Xasaasi:-] Madax-Dhaqameedka Beesha Barriga Burco Oo Ku Gacansaydhay Kulan Uu Doonayay Inuu Madaxweyne Biixi La Yeesho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Xasaasi:-] Madax-Dhaqameedka Beesha Barriga Burco Oo Ku Gacansaydhay Kulan Uu Doonayay Inuu Madaxweyne Biixi La Yeesho


Hargeysa(Karin News)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu baaqday kullan uu doonayey inuu la yeesho Madax-dhaqameedka beelaha Barriga Burco,kaas oo ahaa mid la damacsanaa inuu ka qabsoomo Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.



Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco ayaa la sheegay in ay ku gacansaydheen kullankaa uu doonayey inuu la yeesho Madaxweyne Biixi,waxaanay u sheegeen in aanay diyaar u ahayn in ay wakhtigan la kulmaan isaga iyo xukuumaddiisa.


Sidoo kale, xoggo uu Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in kullankaas uu ahaa mid uu Madaxweyne Biixi uu ku damacsanaa inuu madax-dhaqameedka Beesha uu ku weyddiisto codka Xildhibaanadda 19 ah ee Golaha Wakiillada ee Beesha u soo baxay, kaas oo uu rabo inuu ku dhiso Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir "Faratoon” oo u wato inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.


Dhinaca kale, xogguhu waxay sheegeen in xubno ka mid ah Xukuumaddiisa iyo Xubno kale oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo ka soo jeeda Beesha inuu ergo ahaan ugu diro Madax-dhaqameedka Beesha Barriga, balse may noqon kuwa guulaysta,waxaanay Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco ay ku adkaysteen Go’aankooddii ahaa in aanay la kulmay Madaxweyne Biixi.


Geesta kale, waxa xusid muddan in Madaxweyne Biixi uu sannadkii ina-dhaafay uu si cad u diiday inuu ka aqbalo Madax-dhaqameedka Beesha Barriga Burco codsi ahaa inuu fasaxo shirkadaha xayiraada ka saaray beesha barriga Burco ee kala ah Fly Dubai iyo Air Arabia.


Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Beesha Habar-jeclo ay dhisayaan oo ay codka siinayaan Xildhibaan Cabdirasaaq Khaliif Axmed oo u sharraxan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ” Cabdirasaaq Khaliif Axmed ayaan taageersanay oo aanu codka siinaynaan, Habar-jeclo waxay caddaynaysaa in aan codka Habar-jeclo la iibsan karrin Muuse amma wasiiro ha soo diro ama wuxuu doonno ha sameeyo,ama lacagta uu doonno ha bixiyo ama yaanu bixin, mawqifkayagu waa kaa isbahaysiga Mucaaradka "









LATEST NEWS