Dagaal Beeleedyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ka Dhaca Oo Kordhay.

0
Tuesday 15th June 2021 08:20:37 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 283
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Beeleedyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ka Dhaca Oo Kordhay.

    Dagaal Beeleedyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ka Dhaca Oo Kordhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Beeleedyada Dawlad Deegaanka Soomaalida Ka Dhaca Oo Kordhay.


Saddexdii sannadood ee la soo dhaafay ayaa la sheegayaa in deegaanka Soomaalida ee waddanka Itooobiya ay ka dhaceen dagaallo beeleeydyadii ugu badnaa muddooyinkan dambe, kuwaas oo galaaftay dad badan, halka duunyo badanina ku waxyeellowday.



Dagaalladaasi ayaa sida la sheegay badanaa ay sababaan dhul beereedyada, daaqsinka iyo ceelashaba, kuwaas oo dadka xaalka deegaanka la socdaa sheegeen in aanay dhici jirin xilligii maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar.


Hasayeeshee hoggaanka nabadgalyada ee deegaanka ayaa ku adkaysanaya in deegaanka uu haatan ugu ammaan badan yahay horumarna uu usii dheeryahay.


"Xaaldda amni ee gobolku si guud waa mid deggan aad u fiican dalka si guudna meesha ugu deggan ah, markaa inta la xasuusto taariikhiyan xaaladda deegaanka midda nabadgelyada waa markay ugu wanaagsanayd" ayuu yidhi kuxigeenka Hoggaanka Nabadgaluyada ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxa'ed Axmed Gureey


Hoggaanka nabadgelyada ayaa dhanka kalena in ay suuragal tahay mararka qaar in wax dhacaan, waxa dhacaana aanay sidaa u cuslayn weligeedna ay dhici jirtay Waxaana uu ku sababeeyey waxyaalaha isqabsiga keena baahida taalla miyiga





LATEST NEWS