Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maayirka Berbera [ Gudaha Ka Akhriso]

0
Tuesday 15th June 2021 09:37:18 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 612
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maayirka Berbera [ Gudaha Ka Akhriso]

    Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maayirka Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Doorashada Maayirka Berbera.



Berbera(Karin News)-Ammaanka magaalada Berbera ayaa saaka aad loo adkeeyay iyadoo inta badan dariiqyada magaalada lagu daadiyay Ciidamo sida ay ku soo warramayaan Wariyeyaasha ku sugan magaalada Berbera.




Xubnaha cusub ee golaha Deegaanka Berbera ayaa dooran doona Maayir iyo ku-xigeen haddii aan wax isbedelin waxa xilka Maayirnimo tartan adagi ku dhexmari doonaa Maxamed Dable, oo ah Ganacsade siyaasadda ku soo biiray iyo Cabdishakuur Ciddin, oo hore Maayir uga ahaa magaalada.


Wasiirro xukuumadda ka tirsan ayaa ku sugan magaalada, sidoo kale xubno mucaaradka ka tirsan ayaa iyana jooga magaalada.


Xildhibaannada ayaa hadda galay hoolka ay doorashada ka dhacayso Midkasta Kitaab Qu’raan ah ayaa miiska loo sii saaray Mudanayaasha golaha Deegaanka Berbera oo inta maanta la dhaariyo iska dhex dooran doona Maayir iyo ku-xugeen.


Garabka Cabdishakuur Ciddin, ayaa ka hor inta aanay gelin hoolka lagu dooranayo Maayirka iyo ku-xigeenka Berbera sawirkan iska soo qaaday.


Kala soco Karin News  oo isha ku hay mar kasta










LATEST NEWS