Somaliland

0
Tuesday 15th June 2021 10:51:45 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland

    Maanta waxaan lakulmay arin aan jeclaaday inan cabiro dareen kayga waxaan aniga iyo saxiibo kale ka shaahaynay Caffee Berbera oo kutaala Hargaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaan lakulmay arin aan jeclaaday inan cabiro dareen kayga waxaan aniga iyo saxiibo kale ka shaahaynay Caffee Berbera oo kutaala Hargaysa

, aniga iyo saxiibaday oo dhamaantayo Ethiopia ka nimi ayaa Goobta Iskaga sheekaysanaynay 
 mid kamida saxiibaday ayaa itaabtay wuxuu farta iigu fiiqay Nin Muraayad xidhan oo Da’ahaan weyni aan kutirayay wuxuuna iiraaciyay waa commissioner ka Doorashooyinka Somaliland 


Waxaa Ku celiyay miyaad Qof weyn ahayn siduu ninkan kaligii iska laafyoonaya een wax daba socda iyo wax la socda toona jirin u noqonayaa masuulka usareeya kadib ano shakisan ayaan Ku idhi iisheeg magiiciisa marku iisheegay kadib ayaan YouTube ka Ku qoray waxaa iiso baxay muuqaalo iyo waraysiyo waan isu eegay ninka iyo muuqaalada waxan arkay inay runtii tahay oo ninku yahay Commissioner Kii doorashada  cajiib??


Waxaan isweydiinayay ninkan sida dagan isaga shaaheeyay een cid daba socota jirin,buuq iyo cabasho haysataa ayna jirin,jawiga dagan kujira, dakano kabaqayn, dal Afrikaana oon ictiraaf helin dhex dhexaadiyay doorashadiisa, waliba Soomaali ah, oo wali ayna Maxkamadi Ku dhawaaqin natiijadii rasmiga ahayd, Xaguu ka dareemaya raaxada iyo buuq la’aanta?

Waxaa xasuustay Burtukan medeksa waa Commissioner Doorashooyinka Ethiopia’e buuqa,cabashada, Cabsida looga qabo inay cid amniga lid Ku ahba khaarajiso sida loo ilaaliyo ee ayna suurto gal u ahayn inay iskaso fadhiisato maqaaxi shaah!!

Waxaan Garwaaqsanayaa shacabka Somaliland inay abuurteen jawi dimuqraadiyadeed,Amni oo ayna cidnaba ubaahan ee iyaga loo baahan yahay in lagu daydo 

Waxa kaloon sawirtay dawladnimada xamartaala oo marka siyaasi xanaaqaba ciidanka qaranka qayb goosanayo xarunna uu kadhiganayo isla xaafad magaalada kutaala dagaal iyo dhiig kubaaqayo waxaan isleeyahay siday isu qabanaysaa

Waxaan ilaa hadda aamini la’ ahay waxa Odeygii iska laaf yoonayay inuu ahaa ninka Masuulka ka ah Commision ka Doorashooyinka Somaliland! 

—Ibrahim Abdiwaadir, Wasiir ku xigeenkii hore ee dhallinyarada Dawlad Deegaanka.
FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS