[DEG DEG:-] Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho, Taliye Ka Bad-baaday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
Saturday 10th July 2021 09:40:56 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [DEG DEG:-] Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho, Taliye Ka Bad-baaday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho, Taliye Ka Bad-baaday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Muqdisho, Taliye Ka Bad-baaday Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay


Muqdisho (Karin News)– Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.




Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan.



Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi.


Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Karin News sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa.


Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.









LATEST NEWS