Kalsoonida Darada Caqli Gaabka!

0
Sunday 11th July 2021 12:15:21 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 139
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalsoonida Darada Caqli Gaabka!

    Amiirkii Bashiir Ashihaabi ee dalka Labnaan xukumi jiray horaantii qarnigii 19aad (1840)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiirkii Bashiir Ashihaabi ee dalka Labnaan xukumi jiray horaantii qarnigii 19aad (1840)


isla markaana ahaa Muslmiinta suniga ah ayaa maalin adeegihiisa ku yidhi :” waxaan doonaaya inaad Beed khudrad lagu shiilay ii samayso”.

Adeegihiisa ayaa ku yidhi :" Allah hakuu barakeeyo Amiir, kaasi waa sayidka cuntooyinka, waa hilib aan baruur lahayn, waa Kaluun aanad arkayn, waxaad ku cuni malqaacad, waana cunto dhan”.

Amiirka ayaa haddana ku yidhi :” Laakiin dhowr maalmood ka hor waanigii cunay, markaa caloosha ayaan xanuun ka dareemay ".

Adeegaha ayaa ku jawaabay :” Nacadal haku dhacdo Beedka khudarada lagu shiilay, waa raashin culus, oo adag, waa kan cunto ugu liita”.

Amiirka oo yaaban ayaa ku yidhi :” Waa ku sidee, Raashinkii aad imika amaanaysay ayaad haddana islamarkiiba ceeb ka sheegaysaa”!.

Adeegaha ayaa ku yidhi :” Amiirkaygow, anigu adigaan kuu ahay khaadim, uma ahi Beedka, haddii amiirku shay amaano aniguna waan amaani, haddii uu dhaliilo aniguna waan dhaliili, wixii aad sax u aragto ayaan u arkaa wixii khalad u aragto aniguna khalad ayaan u arkaa!. Kalsooni daradu waxay ku dhacdaa dadka aan caqliga ka shaqaysiin ee hadba qofka ay la joogaan la midabka ah.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS