[War Naxdin Leh:-] Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Uganda Ugu Geeriyooday Gaajo Iyo Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid19

0
Wednesday 14th July 2021 07:20:01 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Naxdin Leh:-] Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Uganda Ugu Geeriyooday Gaajo Iyo Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid19

    Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Uganda Ugu Geeriyooday Gaajo Iyo Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaxooti Soomaaliyeed Oo Dalka Uganda Ugu Geeriyooday Gaajo Iyo Xanuunka Safmarka Ah Ee Covid19



Arbaca, Luulyo, 14, 2021 (Karin News) - Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo safmarka Covid19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay, Waxaa la sheegay sababta ay u geeriyoodeen in ay tahay caawinaad la’aan maadaama dalka Uganda uu ku jiro xayiraad ka dhan ah fayraska Covid19.




Khalis Muhammad oo ah gudoomiye ku xigeenka Jaaliyada Soomaalida ee Uganda oo la hadlay wakaalada Anadolu Agency ayaa sheegay in qaar ka mid ah qaxootiga ay u dhinteen gaajo halka kuwa kalena ay u dhinteen viruska.



"Ma gaari karno kuwa u baahan sababo la xiriira xirida COVID-19. Qaxootiga waxay ku baahsan yihiin xaafadaha caasimada, si ay caawimaad u helaan" ayuu yiri Khalis Muhammad, Wuxuu sheegay inay jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed oo maalqabeenno ah oo ganacsi ku leh magaalada Kampala, laakiin aysan gaari karin dadka u nugul xayiraadaha jira awgood.


Lixdii Juun, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku dhawaaqay xayiraad dalkoo idil sababo la xiriira caabuqa sii kordhaya ee waddankaas. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka Uganda, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee dalka ayaa gaadhay 87,277, iyada oo 2,104 ay dhinteen halka 61,304 oo laga soo kabtay.















LATEST NEWS