Warbaahinta Iyo Wararka Joogtada!

0
Sunday 18th July 2021 07:05:43 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 80
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Iyo Wararka Joogtada!

    Waxa la soo maray seben warka iyo helidiisu ay aad u adkayd,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la soo maray seben warka iyo helidiisu ay aad u adkayd, sababtuna waa qalabka isgaadhisiinta ee dunida casrigan la isticmaalo oo aan wakhtigaasi jirin. Bishii April 18, sanadkii 1930 waxa ay ahayd maalinta keliya ee taariikhada Idaacadda BBC ay baahisay in aanay maalintaasi haba yaraate aanay war hayn. Weriyaha Idaacadda hagayay maalintaasi ayaa ka hor muusiga dhegaystayaasha ku war geliyay weedhahan : " Maanta wax war ah idiinma hayno” "There is no news today,”. Ka dib waxay idaacaddu bilwoday inay miisi is daba joog ah sii dayso..


Sababta warka loo waayay ma ahayn weriyayaasha oo diidan inay tebiyaan iyo shaqo joojin dhacday, laakiin waxa ay ahayd iyagoon maalintaasi helin war ay tebiyaan. Maalintaasi oo laga joogo 91 sano, waxa ay aad u kala fog yihiin maanta oo saacad kasta oo ka mid ah 24 saac baahisa war cusub iyadoo 30 daqiiqo gudahoodna tebisa qodobada warka oo kooban.



FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS