Dadka Aan Aqoonta Lahayn Fikirkoodu Ma Sheqeeyo!

0
Monday 19th July 2021 11:05:54 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Aan Aqoonta Lahayn Fikirkoodu Ma Sheqeeyo!

    Avram Noam Chomsky waa oday Maraykanah oo dhashay sanadkii 1928,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Avram Noam Chomsky waa oday Maraykanah oo dhashay sanadkii 1928,

 shahaadada PHD ku qaatay aqooonta falsafadda , maskaxda iyo sida ay u shaqayso (cognitive scientist) wakhtigan ku sugan University of Arizona ayaa qoraalo badan ka sameeyay xeelado dadka lagu kasbado oo maskxadoodana hogaanka loogu qabto si dhib yar.

Waxaana uu sheegay in dadka oo aqoonta iyo fikirka lagala dagaalamo ay tahay kuwa ugu muhiimsan, waayo marka dadku aanay aqoon lahayn fikirkooduna maaha mid shaqaynaya, waxaad u jeedina kartaa halka aad doonto, waxaana aad u maamuli karta sida aad adigu rabto.



Chomsky Wuxux yidhi " Caamada waxba kama duwan caruurta, ma kala garan karaan inaad nacas tahay iyo inaad fariid tahay, waana inaad mar kasta ula hadasho sida aad adigu rabto, mar kasta u sheeg been iyo mala awaal iyo sheekooyin samaysa oo khuraafaad ah” " Xataa haddii aad u sheegto waxaan dhici karin oo sababo ku qanciso way aaminayaan, waa inaad cabsi gelisaa taasi waa habka ugu fiican ee aad ku aaminsiin karto, waxa aad rabto”.

Wakhtigan waxa inoo soo baxaya kuwo shacabka ku cabsi gelinaya sheekooyin ay sameeyeen iyo in mustaqablku khariban yahay si aad ugu hogaansanto dano ay leeyihiin. Dal dhismay oo leh haykalka dawladnimo oo shaqaynaya oo aan dhib ku hayn bulshadiisa weeye. Qofka ku sheegaya khuraafaad iyo hadalo aan caqli iyo xikmadd ku dhisnayn marka hore ayuu og yahay inaad adigu tahay Nacas aan fikir iyo caqli midna lahayn oo la gashan karo hadba wixii la doono.


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS