Dhaqanka iyo Suugaanta

0
Monday 19th July 2021 11:20:24 in Aragtida Dadweynaha by Madaxa Wararka
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqanka iyo Suugaanta

    Foolaad iyo Hawaale warran: Dhigganeyaal Suugaanta iyo Dhaqanka Dhaxal u noqon doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Foolaad iyo Hawaale warran: Dhigganeyaal Suugaanta iyo Dhaqanka Dhaxal u noqon doona


Labadii Habeen ee la soo dhaafay waxa Magaalada Hargeysa lagu soo bandhigay Laba Buug oo xambaarsan Sooyaal taariikheed, Suugaan Dhaxal-gal ah iyo xigmad qoto dheer oo uu alle siiyey laba Halyey oo aanu Qaranka Somaliland ilaabi doonin tagto, joogto iyo timaadaba.

Habeenkii Jimcuhu soo gelayey Caweysinkiisii mid kamida Ardaayada hudheelka Xafladaha waaweyn martigeliya ee Maansoor iska xaadiriyey in ku dhow saddex kun oo qof oo ka kooban guud ahaan qaybaha Bulshada Somaliland, sida Madax ka socota Goleyaasha Dawladda , Asxaabta Qaranka, bahda Dhaqanka, Aqoonyahan, Ganacsato, warbaahinta noocyadeeda kala duwan iyo marti kale oo miiisaan leh, waxaanay ahayd munaasibad lagu tilmaami karo tii ugu balaadhnayd ee nooceeda ah, marka dib loo jaleeco bandhigyadii hore uga dhacay Hargeysa.


In munaasibada sida heerkaas ah loo soo camiro kama turjumayn in qoraaga la jecel yahay amma cilmi meesha lagu dhiganayey sidaasi loogu marti noqdo, hase yeeshee waa tilmaan lagu micnayn karo qiimaha iyo Sharafta uu lahaa marxuumka mootaanaa 37-kii sannadood ee la soo dhaafay.
Buuggan FOOLAAD, waxa qoray Nin Dhalinyaro ah oo magaciisa la yidhaahdo Cabdikariin Xigmaawi, kaasoo isu howlahay inuu adduunka ku soo celiyo shakhsiyadii, sharaftii iyo sheegganaantii Alle ha u naxariistee Maxamed Mooge Liibaan oo ahaa Abwaan iyo Macalin mabda’ iyo milgo isku miisaamay kuna mootan maanta maxsuulkii uga soo baxay.

Dadkii kala miisaanka ahaa ee madasha ka qaybgalay intii hadalka ka jeedisay waxa ay dhamaantood isugu markhaati fureen inuu ahaa Mooge alle ha naxariisto’e qof mudan in adduunka nololshiisii lagu weeleeyo si ay jiilka soo socda iyo kuwa jooggaaba ay wax uga bartaan.
"Buuggani taariikh qudha kama hadlayo ee wuxu ka hadlayaa nolol dhamaystiran. anigu goor aan bilaabay ma garanayo buuggan iyo goor aan dhameeyey, isagoo dhamaaday ayuunbaan is arkay” ayuu munaasibada ka sheegay qoraaga Buuggan Cabdikariin Xigmaawi oo hadal mahad-naq u badan ka jeediyey ardaaga "Intii howsha Buuggu socotay Qof kasta oo aan ku idhaahdo Maxamed Mooge ayaan wax ka wadaa wuu soo joogsanayey oo Ixtiraamayey”ayuu raaciyey Xikmaawi oo hogga-tusaaleeyey "Haddaad howdka u baxdo oo aad qof xoollo la joogga waydiiso wuxuu Maxamed Mooge ka xusi karo wuxuunbuu kuu sheegayaa”.
Cod Miisaan leh, murti aan meesheeda ka leexan iyo Muusig danankiisa dhegta maqashaa macaansanaysaa waa dhaxal mug iyo miisaan leh oo kamida waartada Maxamed Mooge.
Codkar aan baqin oo badheedhihiisa aan la gaban,ayaa sidoo kale lagu tilmaamay marxuumka, waxaanu Maxamad Mooge Liibaan ahaa Macaliin ka tirsanaa Wasaarada Waxbarashada , ka hor intaanu hantiyiin dhegaha dadwaynaha somaliyeed. wuxuu hoobal soo shaac baxay sannadihii toddobaatanadii. Maxamad waxaa taliska Somaliya ka dhisnaan jiray shaqadii ka fadhiisiyey sannadkii 1971 kii, ka dib markii talisku ku eedeyey inaanu uu jajabnayn hawlaha kacaan ku sheegii boobay taladii dalka 1969-kii. Maxamad, intuu dalka gudihiisa joogey wuxuu ku heesi jirey heeso si dad-ban uga soo hor-jeeday taliska Maxamad siyaad barre.
Dhaqdhaqaaqi ugu horeeyey ee Siyaad diidka ahaa ( SSDF ) ayuu Maxamed Mooge ku biiray, waxaanu ahaa hoobalkii ugu horeeyey ee qaaday hees cod leh oo si badheedh ah uga soo hor-jeedda taliska Somaaliya, sida heestii ahayd ee
” Soomalidu ma hurudaa” iyo ” Lix iyo labaatankii Juun ku lednay, kowdii luulyo liibaaney kow iyo labaatankii octoobar leel-leelay”
Maxamad Mooge wuxuu la dhashay hoobalkii kale ee caanka ahaa (ilaahay ha u naxariistee) Axmad Mooge Liiban.
Si kastaba ha ahaatee, Dhiganahan ayaa noqon doona mid laga faa’idaysan doono waxyaabo badan oo dadka uga dhinnaa shakhsiyada Marxuum Maxamed Mooge Liibaan.

Sidoo kale, habeenkii xalay Magaalada Hargeysa waxa lagu qabtay munaasibad ka sii fac iyo fagaare cuslayd tan lagu soo bandhigay Buugga FOOLAAD, taasoo lagu soo bandhigay Dhiganaha Hawaale-warran oo uu gacantiisa ku qoray Abwaanka, Macalinka iyo Filasoofka geyiga Soomaalida iyo caalamka qaybo kamidaba magaciisa iyo murtidiisu gaadhay.

Bangiga Hawaale-warran, waxa ay dad badan uga dhigan tahay xeedho lagu furay madal rag iyo Raas fadhiyo oo loo jeel qabo waxa gudaheeda ku jira, taasina waa sababta ay bandhigaasi markhaati uga ahayd guud ahaan labeenta iyo laan-garboodka Somaliland iyo marti kale oo aan magac iyo midh-tiris lagu soo koobi karin.

Buuggan oo uu Alle Cimriga iyo Caafimaadka ha u barakeeyee qoray Maxamed Ibraahim Warsame, waxa diyaariyey oo soo gaadhsiiyey marxalada lagu daabacay Aqoonyahan Maxamed Saleeban Cumar oo ah Wiil Dhalinyaro ah oo dedaal badan geliyey.
Si kastaba ha ahatee, labadan buug ee ina baraya nololshooda laba Nin ee isku magac iyo maalmaha ahaa ee AHN ee Maxamed Mooge iyo Cimrigiisu ha raagee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, ayaa noqon doona hanti-dhaxal gal ah oo mudnaantooda yeellan doona.



Diyaariye. Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)


FIIRO GAAR AH:

Karin News marnaba kama masuul aha aragtida Qoraaga iyo Ujeeddada uu ka leeyahay, Karin News wax ay isu gudbisaa aragtiyaha kala duwan!!

LATEST NEWS