[Akhriso:-] Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.

0
Monday 19th July 2021 14:50:07 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 148
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Akhriso:-] Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.

    Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.


Hargeysa(Karin News)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1442-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu u rajaynayaa in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.





Waxaanu madaxweynuhu Illaahay ka rajaynayaa in uu ciiddan ciiddeeda inagu gaadhsiiyo caafimaad qab, cibaado suubban, bash-bash, barwaaqo, nabadgelyo iyo horumar, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu inta bukta ee u jiifta xanuunnada ee aan inala ciidayna ALLE uga baryayaa inuu ka dulqaado Xanuunka, caafimaad taamana siiyo, intii dhimatayna ALLE u naxariisto una denbi dhaafo.


Ugu danbaynna, madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa guud ahaan shucuubta Islaamka ee ku dhaqan dunida dacalladeeda. Ciidal Adxa awgeedna shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu leeyahay ciid-mubaarik, ciidal-caafiya, kullu-caam wa-antum bikhayr.


ALLAA MAHAD LEH


May be an image of 1 person and indoor





LATEST NEWS