Maleyshiyaadka Maxalliga Ah Ee Ka Adkaaday Mid Ka Mid Ah Militarigii Ugu Awoodda Badnaa Afrika.

0
Tuesday 20th July 2021 11:00:40 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleyshiyaadka Maxalliga Ah Ee Ka Adkaaday Mid Ka Mid Ah Militarigii Ugu Awoodda Badnaa Afrika.

    Maleyshiyaadka Maxalliga Ah Ee Ka Adkaaday Mid Ka Mid Ah Militarigii Ugu Awoodda Badnaa Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleyshiyaadka Maxalliga Ah Ee Ka Adkaaday Mid Ka Mid Ah Militarigii Ugu Awoodda Badnaa Afrika.



Tan iyo markii uu dagaalka Tigray ka billowday dalka Itoobiya waxaa sii xoogaysanayay eedeymaha dowladda Itoobiya loogu jeedinayo inay garab militari ka heleyso dalal kale. Hadda waxaa xigtay in qaar ka mid ah ismaamul goboleedyada uu ku jiro kan Soomaalida ay ciidamo u diraan gobolka Tigray.




Warbaahinta caalamka ayaa muddooyinkan hadal haysay sida ay malayshiyaad maxalli ah ugu babac dhigeen militarigii awoodda badnaa ee dalka Itoobiya Wargayska New York Times ayaa maqaal uu qoray ku sharraxay in wariyeyaal ka tirsan shaqaalihiisa ay si dhow ula socdeen qaabkii ay xoogagga Tigray ula dagaallameen militariga dowladda Itoobiya.



Muddo siddeed bilood ah ayay xoogagga TPLF dagaal qaraar kula jireen militariga xukuumadda, kaddibna waxaa soo muuqatay in ay ka guulaysteen, sida uu maqaalka ku sheegay Times.


Ciidanka Tigray



Intii uu dagaalka socday lama heli karin adeegyada isgaarsiinta, dhowr bilood kaddibna waxaa mar qura laga war helay in maleyshiyaadka TPLF ay dib u qabsadeen qaybo ka mid ah gobolka oo ay ku jirto caasimadda Maqalle Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay ayay ciidamada federaalka Itoobiya xoog ku qabsadeen gobolka Tigray, iyagoo dilay qaar ka mid ah madaxdii xisbiga TPLF.


Hase yeeshee toddobo bilood ayay dhinacyada dagaal xeelado kala duwan la adeegsaday ku jireen, ilaa markii dambe dib loo soo riixay ciidamada federaalka Xilligaas wixii ka dambeeyay waxaa isasoo taraya gurmadka ay helayaan ciidanka dowladda uu Ra'iisul Wasaaraha ka yahay Abiy Axmed Waddamo ay ka mid yihiin Eritrea iyo Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay ciidan geeyeen Tigray si ay uga barbar dagaallamaan militariga Itoobiya ee wajahayay xoogagga TPLF, inkastoo labada dowladood ay beeniyeen arrintaas.


Eritrea oo xuduud la wadaagta Tigray ayaa marar badan gaashaanka u daruurtay in ay ciidamo ka joogaan Itoobiya, inkastoo markii dambe a sheegay in halkaas laga saaray Sidoo kale, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ay soo gareen warar sheegaya in ciidamada Soomaaliya lagu arkay magaalada Qaddiimiga ah ee Aksum ee Tigray iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidamada Eritrea.


Laakiin Dowladda fedaraalka ee Soomaliya ayaa bishii January beenisay in ciidamo Soomaali ah oo tababar u joogay Eritrea ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Tigray Wasiirka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo xilliggaas BBC la hadlay ayaa sheegay in aysan gabi ahaanba jirin ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliya oo ka dagaalamay gobolka Tigrey.


"Ma jiraan ciidamo Soomaaliyeed oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka dagaalamay waqooyiga Itoobiya iyo gobolka Togrey, sabab ay u dhacda-na ma jirto, cid naga codsatay na ma jirto,," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Waxaa qaylo dhaan badan laga muujiyay xasarad bani'aadannimo ay ka dhalatay colaadda.


Itoobiya ayaa lagu yaqaanay inay ahayd mid ka mid ah dalalka ugu awoodda badan qaaradda Afrika, ciidankeeduna ay ahaayeen kuwo cudud weyn leh Qiimayntii awoodda dalalka caalamka ee uu sanadkan sameeyay wargayska Forbes ee ka faallooda arrimaha militariga ayay Itoobiya kaalinta toddobaad uga jirtay qaaradda Afrika, halka ay guud ahaan caalamka oo ah 140 ay uga jirtay kaalinta 66-aad.


LATEST NEWS