Goob Uu Salaada Ciida Ku Tukanayey Madaxweyne Caan Ah Oo La Duqeeyey [Sawirro]

0
Tuesday 20th July 2021 12:30:58 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goob Uu Salaada Ciida Ku Tukanayey Madaxweyne Caan Ah Oo La Duqeeyey [Sawirro]

    Goob Uu Salaada Ciida Ku Tukanayey Madaxweyne Caan Ah Oo La Duqeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Goob Uu Salaada Ciida Ku Tukanayey Madaxweyne Caan Ah Oo La Duqeeyey



Xarunta madaxtooyada Afghanistan ayaa saaka lagu weeraray dhowr gantaal intii lagu guda jiray tukashada salaadda Ciidda, laakiin Madaxweyne Ashraf Ghani iyo dadkii kula tukanayay barxadda Madaxtooyda ayaa si degan u sii watay tukashada, sida ay muujinayeen muuqallo laga baahiyay TV-ga Afhayeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Mirwais Stanekzai ayaa xaqiijiyay in saddex gantaal ay ku soo dhaceen bannaanka qasriga madaxtooyda.




Kooxda Talibaan ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday qasriga aadka loo ilaaliyo, waxaana afhayeenkooda Zabihullah Mujahid uu farriin cod ah ugu sheegay wakaalada wararka ee Reuters in dagaalyahannadoodu ay ku jiraan "xaalad difaac” inta lagu guda jiro debbaldegyada ciida.



Si ka duwan sanadihii hore, Taaliban si rasmi ah uguma dhawaaqin xabbad joojin Ciida todobaadkan Bishii Maarso ee sanadkii hore, afar gantaal ayaa ku dhacay agagaarka dhismaha qasriga intii lagu guda jiray caleema saarka madaxweyne Ghani, waxaana masuuliyadda weerarkaas sheegatay Taalibaan.


Amni xumada ayaa ku sii kordheysay Afganistan toddobaadyadii la soo dhaafay, taasoo inta badan ay sababtay dagaallada ka socda gobolladeeda, iyada oo ciidamada shisheeye ee uu hoggaaminayo Mareykanka ay dhameystireen ka bixitaankooda.





LATEST NEWS